Somaliland Oo Ka Qaybgashay Shir Lagu Xoojinayo Iskaashiga Ganacsi Ee Ingiriiska Iyo Afrika

0
297

Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Kenya, Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa ka qaygalay shir ay soo qaban qaabisay Waaxda ganacsiga ee dalkaasi oo Arbacadii toddobaadkii hore ay iskugu yimaadeen Dawladda Ingiriiska iyo Ganacsatada Afrikaanka ah, si la isula falanqeeyo fursadaha maalgashi ee Qaaradda Afrika.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa soo xigatay Wargeyska East Afrika Business Week oo ka soo baxa dalka Uganda, kaasi oo daabacay qormo dheer oo uu ku sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay raadinayso habkii ay Maalqabeennada iyo Shirkadaha Ingiriiska ah ugu guubaabin lahayd inay xidhiidh ganacsi la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Danjire Baashe Cawil ayaa sheegay in casriyeyntii iyo ballaadhintii marsadda Berbera ee ay waday Shirkadda DP World ay gabogabo marayso, taasi oo xuddun u noqon doonta Ganacsiga Geeska Afrika.

Safiir Baashe Cawil wuxuu u soo jeediyey dawladda Ingiriiska inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi iyo ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland iyo dekedda Berbera maadaama oo labada dal ay ka dhexayso cilaaqaad taariiheed oo soo jireen ahi.

Waxa kaloo danjire Baashe Cawil uu xusay fursad weyn u ahayd Somaliland inuu ku matalo shirkaas oo looga gol lahaa in la isku xidho ganacsiga Ingiriiska iyo Qaarada Afrika. Waxaanu ku dooday inay Somaliland kaalin wax ku ool ah ka qaadan karto isku xidhka ganacsi dhex mara Ingiriiska iyo Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here