Somaliland Qabiilka Xoogeystay Iyo Qaranimadda Waydowdey Midkee Uroon?

0
698

Somaliland Qabiilka Xoogeystay Iyo Qaranimadda Waydowdey Midkee Uroon?

Waxaynu ognahay in Qaran kastaa ku dhisan yahay Shuruuc, Xeerar iyo Dastuur ay iyagu samaysteen kuwaas oo ilaaliya Dhaqankooda,Sharaftooda,Dawladnimadooda,Dhaqaalahooda,Xuduudaha Dalkooda

iyo Dhawrsanaanta Masuuliyiintooda,Xubnaha Hogaaminaya iyo Shacabkooda,Waxaana inta Badani Ummaddi ay ku Horumartaa marka Danta Guud la Horumariyo Danta Gaarka ahna layska ilaawo, Haddaba Maalmihii iyo Bilihii u Dambeeyay Somaliland Waxa ka socday arrimo Waxyeelaya Qaranimadda Waxayna Bulshadda reer Somaliland u Dhuratay Qaar Xoogeeyay Qabiilkii Qaranimadiina Waydeeyay,Isweydiintu Waxay tahay Somaliland Ma Qaranimadaa u Roon Mise Qabiilka oo Qabyaaladu ku Lamaan Taha,y Haddii aynu Sheegnay Astaamaha ay Qaranimaddu leedahay,Maxaa mar kasta laysugu Khaldaa Qaranimada iyo Qabiilka Soomaalidu waxay Tidhaahdaa “Geel Laba Jir Soo Wada Mar” Dalal Badan oo Adduunka Hore Umaray ka mid ahi Waxay mararka Qaar ahaayeen kuwo Dhaqankooda Reer Guuraanimo,Beeraleynimo,Kalluumaysato iyo Degsiimaba uu ku Salaysnaa Qabyaalad iyo is Riix Balse Waxay kaga soo gudboon Aqoon iyo Dedaal ka dib markii ay Noloshooda iyo Horumarkoodu uu Sal Dhigi Waayay,Waana arin Caadiya in Bulsho Meel ku Wada Nooli kala abtirsiimo iyo Kala degaan noqoto waxaase isku Xidha Heshiisyadda ay wada galaan iyo Waxa ay Wada leeyihiin ee markaa isu keenaya haday tahay,Dal ay Wada Leeyihiin,Gobolo ay wada Degaan,

Xuduud Degsiimo oo isku Xidhaysa.Waxaan la Hilmaami Karin in Somaliland Wakhtiyo Badan Qabiilku Xoog Badnaa isla markaana wax lagu Qaybsan jiray laguna Soo Dhismay waana ta keentay in Somaliland Nidaamka Dimoqraadiga ee Asxaabta Badan Qaadato,
Nidaamka Xisbiyadda Badani Wuxuu Meesha ka Saaraa Reeraysiga,Beelaysiga iyo Intii Isku Qabiili inay Xisbi Furato Dastuurka Somaliland ma Ogola Xisbi Reera ama Xisbi Caadifad,Qabyaalad,ama Diin Ku Dhisan Waxaasoo Dhan Wuu Reebay Haddana iyadoo Sidaasa Xisbiyadda Somaliland Waxay ku abtirsadaan Gobolo Siday Doonaan Beelaha Somaliland Hawgu kala Badnaadeene Waxayse Dhibta Xisbiyadda iyo Siyaasadda Beelaysani Soo Baxdaa marka Masuul ama Madaxda Xisbiyadaas Arinku ku Qaloocdo intii aynu Sannadkan ku Jirnay Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran mid kasta Duruuf ku Timi Waxay Sababtay in Dalku Jar ka Laalaadsamo Waxaase lama huraan ah in Qabyaalada iyo Qaranimada la kala doorto Waxaanay ummaddi Horumar ku Gaadhaa Isku Duubni,Midnimo,Sinnaan Iyo Cadaalad Taas ayaana Qaran ku Dhismaa Isweydiintuse Waxay Tahay Qaranimadda iyo Qabiilka kee Somaliland u Roon.

Qore: Maxamud Cabdiraxmaan Xirsi(Fantastic)
Chief editor Sahan Newspaper
Email: Mudakar 143@Hotmail.com
Tell: 0634004911