Somaliland: Qiimaha Maceeshadda Oo Halkii Ugu Sarraysay Gaadhay Iyo War La’aanta Xukuumadda

0
340

Culays dhanka nolosha ah ayaa ka jira guud ahaan Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, ka dib markii Qiimaha Maceeshadda Quutal-daruuriga ahi aad sare ugu kacday.

Guud ahaan Raashinka ayaa Magaalooyinka dalka Qiimihiisu aad sare uga kacay, taasi oo dhibaato ku noqonaysa Dadka danyarta ah ee aan awoodin inay culayskaa Qaabilaan.

Wargeyska Geeska Afrika oo u kuur-galay korodhka Qiimaha Raashinka ku yimid, ayaa ogaaday in faraq aad u badan u dhexeeyo Qiimaha cusub iyo Qiimihii hore.

Mid ka mid ah Dadka Bakhaarrada ku haysta Magaalada Hargeysa, ayaa u sheegay Wargeyska in Raashinka dalka dibeddiisa ka yimaadda ka sakow uu kordhay qiimaha waxa gudaha Somaliland laga soo saaro.

“Shay walba oo aanu iibino sare ayey u kaceen, iska daa wax dibedda inooga yimaadda’e ee xittaa waxaa sare u kacay qiimaha waxyaabaha dalkeena laga soo saaro.” Ayuu yidhi mid ka mid ah Dadka Bakhaarrada ku haysta Hargeysa, waxaanu intaa ju daray “Waxyaabaha sare u kacay muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ka mid ah Bariiska, oo gadbadda waxaanu siin jirnay 24 dollar, haddana waxaanu siinaynaa 30 dollar, daqiiqda oo aanu siin jirnay 21 dollar, hadda waxaanu siinaynaa 24 ilaa 25 dollar, Sonkorta oo aanu siin jirnay 23 dollar, hadda waxay maraysaa 26, 27 illaa 28 dollar, Saliidaha noocyadeeda kala duwan iyana waxaa ku kordhay qiime, oo tusaale ahaan saliidaha qaarkood oo jirikaankii joogay 18 dollar, hadda waxaa la siinayaa 28 dollar oo 10 dollar ayaa ku kordhay, Baastada iyana qiimaheedii wax baa ku kordhay, oo kartoonkii 6 dollar ahaa hadda wuxuu marayaa 8 dollar..”

Waxaanu intaa ku daray in sababta kordhisay qiimaha Raashinku aanay ahayn Cashuur Dawladdu ku kordhisay, balse la kordhiyey Qiimihii lagu soo qaadi jiray Koontiinnarada “Wax Cashuur ah oo kordhay ma jiraan, laakiin sida aan ka war hayo waxaa jira in lacagtii Koontiirada la kordhiyey, oo halkii ay awalba ka hayeen saddex kun ayaa 7 kun laga dhigay, markaas Xukuumadda waxaanu u soo jeedinaynaa inay arintan hoos u eegto oo ay wax ka qabato, maxaa yeelay dadkeenu waxay u badan yihiin danyar, oo ma qaadi karaan culayskan oo kale, ta kale Raashinka oo qudha maaha ee waxaa sidoo kale sare u kacay qiimihii shidaalka, iyo qiimihii agabka dhismaha…” ayuu yidhi Axmed Shabeel Cige oo ka mid ah Ganacsatada Bakhaarrada ku haysata Magaalada Hargeysa.

Ibraahim Cabdi Cismaan oo isna ka mid ah Ganacstada ka ganacstada qaybaha kala duwan ee maceeshada, isla-markaana haysata Bakhaarka Alnajax, ayaa isna wuxuu ka xog-warramay aragtidiisa ku wajaahan qiimaha sare u kacay ee maceeshada, waxaanu yidhi “Labadii bilood ee ugu dambeeyey Raashinka iyo waxyaabaha kala duwan ee aanu iibino qiimahoodu uu sii kordhaayey, ciladuna anaga maaha ee qiimihii aanu markii hore ku soo iibsan jirnay ayaa shay kastaba wax lagu daray, sidaas darteedna anaguna wax baanu ku darnay, inkasta oo aanan ku darin wax buuran, Saliidda ayaa ugu daran oo waxaa ku kordhay 7 dollar iyo wax ka badan, Bariiska ugu yaraan  6 ilaa 7 dollar, ayaa ku kordhay, Sonkorta ilaa 4 dollar baa ku kordhay, daqiiqda 3 ilaa 4 dollar baa ku kordhay, Bastaada 2 ilaa 3 dollar baa ku kordhay, markaas Dawladda ayaa dalka iyo dadkaba ka masuul ah, ee arintan wax ka ha ka qabato, oo haddii ay tahay Dekadda iyo haddii ay tahay cid kaleba xooga ha saarto sidii ay arintan wax uga qaban lahayd, maceeshadana loo jabin lahaa”.

Xariir Cabdilaahi Axmed oo isna haysta Dukaan oo aanu wax ka weydiinay siduu u arko maceeshada qaaliga noqotay wuxuu ku jawaabay “Haa…waa dhab oo wax walba qaali ayey noqdeen, anaguna maadaama aan tukaan haysto qiimihii awal la iga soo siin jiray Raashinka, qiimo ka qaalisan ayaa la iga soo siisay, aniguna sanaati ayaan saaray, dadkii macaamiisha noo ahaa iyo dadkii kale ee wax naga iibsanaynayeyba, aad bay u yaaban yihiin, markaas Ganacstada waaweyn dadkooda ha u naxariistaan, oo wax walba ha u jabiyaan”.

Maxamed Nuur Cabdi oo isaguna ka mid ah dadkii raashinka iibsanayey, oo aanu wax ka weydiinay is beddelka ku yimid qiimaha maceeshada wuxuu yidhi “Qiimihii awalba aanu wax ku iibsan jiray qiimo ka qaalisan ayaa hadda wax na lagaga iibiyaa, wax kastana kor bay u kaceen, wax kasta oo sare u kacaana waxaa laga jaraa oo ay ka go’an tahay dadka masaakiinta ah, ee Dawladdu sida ugu dhakhsaha badan arintan wax ha uga qabato”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here