“Somaliland Tusaale Xiiso Leh Bay U Tahay Sida Dal U Maareeyo Qalalaasaha Doorashada Iyada Oo Xisbiyo Badan La Maamulayo,” Elizabeth Murray

0
321

“Somaliland Tusaale Xiiso Leh Bay U Tahay Sida Dal U Maareeyo Qalalaasaha Doorashada Iyada Oo Xisbiyo Badan La Maamulayo,” Elizabeth Murray

Fagaaraha WOODROW WILSON INTERNATIONAL CENTER Oo Laga Sheegay In Nidaamka Asxaabta Somaliland Tusaale U Tahay Waddamada Afrika

hargeysa(Warsugan) Kulan lagu falanqaynayay xallinta khilaafaadka iyo dhismaha nabada gaar ahaana meelaha dagaallada ka soo doogay ee Afrika oo lagu qabtay xarunta ururka WOODROW WILSON INTERNATIONAL CENTER FOR SCHOLARS ayaa tusaale loogu soo qaatay Somaliland. kulanka oo daarrana nidaamyada loo xalliyay khilaafaadka meelo badan oo Afrika ah, caqabadaha jira iyo nidaamyada ugu fiican ee la isticmaalay waxa qayb ka ahaa dimuqraadiyadda Afrika iyo nidaamka asxaabta badan oo qayb ka ah ka hor tagga khilaafaadka.Haweenayda Elizabeth Murray oo ah sarkaal sare oo barnaamijyada Afrika iyo Bariga Dhexe u qaabilsan hay’ad nabada qaabilsan oo Maraykan ah (United States Institute of Peace) ayaa khudbad ay kulanka shalay ka jeedisay kaga hadashay dimuqraadiyadda Afrika waxaanay ammaantay dalka Kenya oo ay sheegtay in doorashadii u dambeysay iyo dastuurkooda 2010 dib cusboonaysiiyay yahay mid ammaanka damaanad qaadaya, waxaanay rajo fiican ka bixisay doorashada bisha dambe ka dhici doonta Kenya.Kulanka oo ay dhawr khabiir ka jeediyeen khudbado ku saabsan khilaafaadka iyo dimuqraadiyadda Afrika waxa markii dambe su’aalo waydiiyay dadka fagaaraha ku sugna.

su’aal nuxurkeedu ahaa sida dalalka Afrika isugu hayaan qoomiyadaha iyo qabiillada ama sida la isugu dheelli tiro meelaha ay ka jirto asxaabta dalal dadyow kala duwan ku nool yihiin la isu qaabilsiiyo hab wada qancin kara dadyowga dalkaasi ku nool.

Haweenayda Elizabeth ayaa sheegtay in nidaamka Somaliland ee xisbiyada siyaasaddu tusaale u yahay Afrika.Waxa ay sheegtay in nidaamka dal ku haboon ku iman karo wada hadal si loo helo natiijo dadka wada qancisa oo khilaaf lagaga fogaado waxaanay tusaale muhiim ah ku tilmaantay Somaliland “ Si loo dejiyo nidaam ku haboon dal kaas oo soo saaraya natiijo la wada aqbali karo; tusaale ahaan gobol ama dal si uu taas wax uga qabto Somaliland waa tusaale xiiso leh sida ay isugu dayday maaraynta qabaa’ilka iyo nidaamka doorashada iyada oo la xaddiday tirada xisbiyada siyaasadda ee sharcigu ogol yahay in ay loolamaan,” Sidaas ayay tidhi madaxa Barnaamijyada Afrika iyo Bariga Dhexe ee hay’adda Nabada u qaabilsan Maraykanka.Waxa ay sii sharraxday sababta loo xaddiday tirada xisbiyada Somaliland “ Tan waxa looga jeeda in la isku dayo in xisbiyada kala duwan la siiyo aaggag balaadhan oo ay taageerayaal ka kala helaan. Waxaan filaya in nidaamka doorasho ee Somaliland leeyahay tognaan iyo tabnaan laakiin, waa kiis xiiso badan oo ku saabsan sida ama qaabka dal Afrikaan ahi isugu dayi karo in uu maareeyo qoomiyado ama qabaa’il sidan oo kale ah iyada oo doorashooyin rasmi ah la qabanayo,” Sidaas ayay tidhi Elizabeth.Haweenaydan ayaa sheegtay in Somaliland si fiican u qaabaysay sida looga baaqsan karo in doorashooyinku keenan qalalaase sida ka dhacda inta badan Afrika oo xisbiyada ama musharraxiinta laga guulaystay aqbali waayan natiijada doorashada. Somaliland ayaa nidaamka dawladnimada iyo doorashooyinka horumar la ammaano ka gaadhay inkasta oo dib u dhaca doorashooyinku hoos u dhigeen sumcadda Somaliland.

Xigasho Wargeyska Warsugan