Soo Dhawayn Taxnayd Sheekh ilaa Hargeysa oo Lagu Qaabilay Weftigii Guddoomiyaha KULMIYE ee ku soo Laabtay Caasimadda

0
309
????????????????????????????????????

Soo Dhawayn Taxnayd Sheekh ilaa Hargeysa oo Lagu Qaabilay Weftigii Guddoomiyaha KULMIYE ee ku soo Laabtay Caasimadda

Hargeysa (Warsugannews)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayey oo booqasho ku joogay Gobolka Togdheer muddo ku dhaw toddobaad, ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa galabta, isagoo dadweynaha kala kulmay soo dhawayn taxnayd inta u dhaxaysa degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil ilaa caasimadda dalka.

Weftiga Guddoomiye Muuse Biixi oo ay xubno ka ahaayeen xubnaha hoggaanka iyo garabyada xsibiga, wasiirro xukuumadda ah, xildhibaanno ka tirsan labada gole Baarlamaan iyo siyaasiyiin kale, kuwaas oo socdaal la xidhiidha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee ka bilaabantay Gobolka Togdheer oo uu ku wacyigelinta dadweynaha inay qaataan kaadhka codbixinta ku soo maray degmooyinka iyo magaalada Burco shan maalmood oo xidhiidh ah.

Haseyeeshee, weftiga oo gunnaanadka socodkooda ka soo ambabaxay magaalada Burco galinkii hore ee maanta, ayaa ku soo hoyday magaalada Hargeysa casarkii gaabnaa, iyadoo soo dhawayno iyo qaabilaad shacabku ula taagnaa jidka masaafo laba gobol ahi ay keentay in soo gaadhista caasimaddu ku qaadato maalin dhan.

Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha iyo madaxda degmada Sheekh iyo masuuliyiin ay hoggaaminayeen Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Maayarka Berbera, ayaa sameeyey isu-soo bax ballaadhan oo ay ku caddeeyeen taageerada ay u hayaan murrashax Muuse Biixi, kuwaas oo iyagoo lulayey calanka KULMIYE iyo caleemo qoyan ku bogaadiyey guud ahaan madaxda safarka ahayd, gaar ahaana murrashaxnimada Guddoomiyaha, waxaanna bogaadintaasi shacabka kadib la isugu tagay oo masuuliyiinta weftigu kala hadleen xafiiska xisbigu ku leeyahay degmada Sheekh, halkaas oo farriimo mahadcelin iyo dardaraan ku wajahan ka qaybqaadashada diiwaangelinta codbixiyayaasha marka laga bilaabo degaankaasi laba bilood kadib iyo inay codaynta doorashada soo socota kaga midho-dhaliyaan jacaylka ay u qabaan mudane Muuse Biixi.

Waxa kaloo maamuus sidaas oo kale ah loogu sameeyey tuulooyinka Huduse iyo Laalays iyo weliba degmada Berbera oo dad is abaabulay weftiga ku qaabileen laamida uga baxda dhanka bari, waxaanna madaxda heer gobol iyo degmo oo galbinayey toos u dejiyeen aqalka Madaxtooyada gobolka oo ay ugu sameeyeen casuumad qado sharaf ah.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa xisbigaasi Md. Muuse Biixi oo la hadlay dadweynaha soo dhaweeyey ee Sheekh iyo Berbera waxa uu sheegay in murrashaxnimadiisu tahay hawl u wada taal dadka degaamadaasi oo uu ka soo jeedo dhalasho ahaan, “Horta haddii reer Sheekh sharraxan yahay hawl baa inoo taal culus oo qof waliba halkiisa ayuun buu murrashax ku yahay oo hawshu u taal,” ayuu yidhi Muuse Biixi, waxaannu markii ka hadlayey magaalada Berbera-na uu yidhi, “Waxaannu ahayn safar aannu kaga nimi Gobolka Togdheer oo aannu kaga qaybgalnay bilowgii diiwaangelinta iyo wacyigelinteeda, waanuna imanaynaa Gobolka Saaxil marka laga bilaabayo diiwaangelinta iyo gobollada kaleba, markaa mar haddii annagoo safar ah aad sidan noo soo dhawayseen aad baad u mahadsan tihiin. Hore ayaa loo yidhi Berbera waa Sodoh, sannadkana waxaan u malaynayaa inaad sodoh wayn noqonaysaan oo rar badani idin fuulayo maadaama reer Berbera murrashax yihiin.”

Sidoo kale, weftiga Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu soo dhawayn farxadi ku dheehantahay kala kulmay dadweynaha magaalada Hargeysa oo boqolaal qof oo ka mid ahi kaga hortageen ilaa degaanka Aw Barkhadle oo qiyaastii 35KM u jirta caasimadda, halka tiro kale oo intaa ka badan iyo madax iyo xildhibaanno uu hoggaaminayey Maayar-ku-xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Cagowayne oo uu wehelinayey Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir u sii joogsadeen tuulada Hallaya ee Kaantaroolka bari ee magaalada, waxaanna dadku iyagoo kooxo iyo xaafado u wada socday dherernaayeen hareeraha jidka wadnaha oo ay la taagnaayeen sacab, mashxarad iyo hambalyeynta weftiga Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna salaan iyo mahadcelin ugu jawaabayey.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo kadib markii Guddoomiyaha KULMIYE loo galbiyey gurigiisa la hadlay warbaahinta, ayaa soo dhawayntan ku macneeyey sidan; “Anigu in murrashax Muuse Biixi madaxweyne noqonayo waxaan ku garanayaa sidii loogu soo bixi jiray Siilaanyo ee dadka aad ku arki jirtay iyagoo miyiga sita calanka Somaliland oo kale ayey meel walba ahaayeen, waa calaamadaha la arkayo ee aad is odhanayso waar yaa u sheegay inuu halkan ku soo beegan yahay ama uu soo marayo madaxweynihii mustaqbalku, markaa dabayl baa socota wada gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan, waxaanna hubaal ah haddii maanta cod la qaadi lahaa inuu Madaxweynaha Somaliland noqonayo Muuse Biixi,” ayuu yidhi Wasiir Caddaani.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa KULMIYE Md. Muuse Biixi, ayaa si wayn ugu mahadceliyey guud ahaan dadweynihii ku soo dhaweeyey socdaalkiisan Gobolka Togdheer, gaar ahaan qaabilaadihii degmooyinka Qoyta, Oodweyne, Qoryaale iyo magaalada Burco, degmada Sheekh, magaalada Berbera iyo caasimadda Hargeysa.