“Suldaan Barre Gaf Weyn Ayuu Galay, Wuxuu Faro- galiyay Ciidanka Qaranka, Wuu Kala Soocay Oo Uu Yidhi Kala Yaaca, Cumaamadda Ayaa Kaga Dhacday Arinkaasi…” Suldaan Mawliid Sabayse

0
547

Suldaan Mawliid Cali Ibraahim “Sabayse” oo ka ah Salaadiinta Somaliland ayaa si adag ugu jawaabay Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale oo doraad ka hadlay Sarkaaal ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo la xidhay, Suldan Mawliid Sabayse waxa uu ku eedeeyay Suldaanka inuu gaf ka galay Ciidanka Qaranka islamarkaana waxa uu u soo jeediyay inuu arinaasi ka waantoobo, farahanna kala baxo arimaha Ciidanka Qaranka.

Suldaan Mawliid Sabayse oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaad moodaa  Salaaddiintii inay baryahan dambe, qabyaalad qaawan oo aan Geedna loogu soo gaban iyo kala kaxayn  iyo waxyaalo badan ay Tv-yada kaga hadlaan, Markaan u soo noqdo Suldaan Barre, waa nin Suldaan ah, Waa nin oday ah, Xalay wuxuu ka hadlayay nin Sarkaal ah oo ku xidhan Miiska Saraakiisha, Ciidanka Qaranku waa badhida Somaliland ku fadhido, waa Astaatiin Qaranka, Astaanka Qaranka Cidda qudha ee lihi Waa Ciidanka Qaranka Somaliland”.

Waxa kale oo uu yidhi: “Saraakiisha iyo Jananka Sharci ayaa ka dhexeeya, anigu Eex ka hadli maayo, dhinacna u xagli maayo, laakiin waxaan sheegayaa ka suldaan ahaan, suldaankaasi Xalay gafweynbuu galay, wuxuu farogaliyay Ciidankii Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Ciidankana in saxaafadda la walqiyo oo Saaxafadda lagaga hadlo, oo cid kasta oo shicib ihi ka hadasho waa qalad, Ciidanka Qaranku waa astaanta qudha ee Qaranka u taagan, nin kasta oo Madaxweyne noqda iyo nin kasta oo masuul noqda iyagu way u siman yihiin, Xalay Suldaankaasi Ciidankii ayuu kala soocay, waxa uu eed u soo jeediyay ninka la yidhaa Nuux Ismaaciil Taani”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Nuux waa Janankii Ciidanka Qaranka, haddii Saraakiishiisa ay dambi galaan, waaxay leeyihiin Nidaam sharci oo loo raaci ama loo maro, ninka sarkaalka ahi dambi waa gali karaa, waa qaldami karaa, laakiin rool ma uga banaan yahay Salaadiinta inay intay Tv-ga soo fadhiistaan ay Saraakiishii Ciidanka Qaranka iyo jananka isku dhiidhiyaan, aniga waxay illa tahay inay arintaasi foolxumo tahay, inaan Jananka Ciidanka Qaranka iyo saraakiishiisa iyo sharciga u yaala waxaan leeyahay haloo kala baxo, haddaaanu ninka la yidhaa Doolaal dambi lahayna, maxkamad ayuu leeyahay Ciidanku, haddii uu dambi leeyahayna maxkamad ayuu leeyahay”

Sidoo kale waxa uu yidhi “Asalba inaynu TV kaga hadalno arin Madaxda Ciidanka Qaranka dhexdooda taagan inay tvyadda kaga hadalno, waxaan leeyahay ciddii hore uga hadashay iyo cidda iga dambaysaba halaga didibsado, oo Ciidanka Qaranka iyo janankiisaba haloo kala baxo, imika halkan ka sheegi maayo waxay Suldaanka iyo Doolaal isku yihiin, laakiin Taariikhda ayaa sheegi doonta, ma qurux badna Hiilka noocaasi oo kale ahi, Hebel hala badelo iyo shaqadii ayaad kasoo bixi wayday, iyo ciidankiibaad baabiisay, waxaan leeyahay suldaan Barre, faawil faro badan ayaad gashay, arin badan oo aan kuu oolin ayaad ka hadashay, waxaad ku talaxtagtay illaa shaqsiyaddii jananka, ninkaad u hadlaysaanna waa sarkaal, taariikhdii uu halganka ku lahaanna Cidina masixi mayso, dambi haddii uu galay adna ma masixi maysid, Nuuxna dambi aanu lahayn raacin maayo, adigase waxaa kaaga qurux badnayd, hadalku intuu afkaaga ku jiro ayuu amaano yahay, waxaad tidhi Maxkamad halasoo joojiyo, haddii uu Xukun ku dhaco ma udanbaa, waxaan leeyahay baryahan dambe Ciidanka Qaranka Farogalin badan ayaa lagu hayay, salaadiinta iyo cid kastaa Ciidanka Qaranka Faraha kala baxaan,wadanka sharci ayaa ka jira iyo nimaad, ciidanku sharci ayuu ku dhisan yahay, suldaan Barrena waxaan leeyahay arinkaasi Cumaadda ayaa kaga dhacdaye dib ha ugu noqon arinkaasi, ciidanku waa ciidankaagii, inay kala dirno oo aynu nidhaa kala yaaca, waa ayaan darro iyo Ceeb”. Ayuu yidhi Suldaan Mawliid Sabayse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here