Suldaan Wasiirka Maaliyadda ku Majeertay Waxqabad iyo Kor u qaadista Miisaaniyadda

0
341

Suldaan Wasiirka Maaliyadda ku Majeertay Waxqabad iyo Kor u qaadista Miisaaniyadda

Hargeysa(WSN)- Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, ayaa Wasiirka Maaliyadda ku ammaanay wax-qabadkeeda iyo kor u qaadista miisaaniyad sannadeedka qaranka oo ay gaadhsiisay halkii ugu sareysay muddadii ay haysay xilka wasaaraddaas.
Suldaan Xuseeen Xaaji Cabdi Cabdilaahi, waxa kaloo uu sheegay in Wasiir Samsam Cabdi Aadan iyo hawlwadeenadeedu ay ku guulaysteen ururinta iyo nidaaminta dakhliga dawladda.

Suldaanku waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta u warramay qaar ka mid ah warbaahinta, waxaanu sheegay in Wasiirka Maaliyaddu ay kaalin weyn ka qaadato gurmadka lagu samato-bixinayo dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee qaybo badan oo dalka ka mid ah.

“Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo karti u yeelatay shaqadeeda oo muddadii ay xilka haysayna aad u kordhisay Miisaaniyad sannadeedka qaranka, arrintaasi oo dawladda fursad u siinaysa inay fuliso mashaariic horumarineed oo ku wajahan adeegyadda bulshada. Waxaan ku bogaadinayaa in odoroskii miisaaniyadda ee Golaha Wakiilladu ansixiyeen Isniintii ay gaadhsiiyay Sl sh. 2,175,104,355,662 oo u dhiganta $362,517,393. Ma fududa in iyadoo xoolihii la joojiyay ay haddana Wasaaradu soo sameyso miisaaniyadii ugu badnayd,”ayuu yidhi Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in miisaaniyaddan ay ku jirto mashaariic badan oo horumarineed, waxaannu yidhi, “Waxaan soo dhaweynayaa in miisaaniyaddan ay ku jiraan adeegyo gaadiidka dabdamiska lagaga hirgelinayo Magaalooyin dhawr ah oo aan hore u lahaan jirin adeegan, xarumo caafimaad, ceel biyood oo la qodayo iyo mashaariic kaleba.”

“Wasiir Samsam, waxa ugu ballaadhan ee aan ku ammaanayaa waa kaalinteeda la xidhiidha gurmadka abaaraha dalka oo ay iyadoo fulinaysa siyaasadda xukuumadda ay tahay dadka safka hore kaga jira kaalmaynta iyo gacan siinta dadka abaaruhu tabaaleeyeen. Waxa kale oo ay ka shaqeysay sidii degmooyinka dalka loogu iibin lahaa baabuurka gurmadka degdega ah oo loo qaybiyay deegaanno badan oo aan Ambalaas lahayn isla markaana mar walba marka madaxweynuhu booqanayo ka dalban jiray. Waxaan odhan karaa Wasiirka Maaliyaddu waa qof xilkeedii ka soo baxday, madaxweynaha igmadayna sharaftiisa kor u qaaday maadaama oo ay u hawlgashay si xilkasnimo leh,” ayuu yidhi Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi.