Suldaan Xiirey Oo Ka Hadlay, Heshiiska Dekeda Berbera, Colaada Dharkayngeeyo Iyo Madax Dhaqameed u hanqaltaagaya Muqdisho

0
564

Suldaan Xiirey Oo Ka Hadlay, Heshiiska Dekeda Berbera, Colaada Dharkayngeeyo Iyo Madax Dhaqameed u hanqaltaagaya Muqdisho.

Hargaysa (Warsugannews)- Af-hayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf muxumed Xiirey oo maanta warbaahinta kula hadlay gurigiisa ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Dharkayn Geenyo isagoo dhanka kalana sulaadiinta u hanqaltaagaya Xamar ku tilmaamay kuwo khiyaamo qaran samaynaya kana hadlay heshiiska Dekeda Berbara.

Suldaanka oo arimahaadi ka hadlaya ayaa ugu horeyn bulshada reer Somaliland ugu hanbalyeeyay bishasha barakayshan ee Ramadaan in ilaashay khayrkeeda waafajiyo intaasi ka dibna waxaa uu ka hadlay collaada DSharkayn Genyo waxaana Hadaladiisii kamid ahaa “halkan Dharkayn geenyo waxaa ka dhacay dhibaato weyn laba beelood oo walaalo ah oo hehela oo isku guriya oo isku ooda oo inan iyo abtigiiya ayey diriri ku dhex martay waxaan ugu baaqayaa inay collaada joojiyaan oo ay wada hadal ku dhameeyaan ummada dhimatayna ilaahay ha u naxariisto inta dhaawacantayna ilaahay waxaan uuga baryayaa inuu caafimaad siiyo bogoodana burcad isku mariyo wanaaga iyo sharafta tuso dawlada Somaliland ooiyaguna ku dhawaaqday inay ka hawl gasho cuqaasha iyo madaxdhaqameedka meelkasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa inaan ka hawl galo oo bishaa ramadaan dadkaa dhex galyo oo nabada kusoo dabaalo”

Dhinaca kale suldaanku waxaa uu ka hadlay heshiiska dekada berbara kaasi oo suldaanku ummada Somaliland ugu baaqay inay soo dhaweeyaan isla markaana shaqsi ahaan uu soo dhawaynayo waxaana uu ka yidhi heshiiskaa dekeda “waa deked caalamiya Dubia oo kale ayey noqonaysaa waa raasamaalka dhabta ah ee inoo hadhaya ninkasta oo inaga kireysaa wuu iska tahayaa ganacsibaa laga helayaa shaqaalaa laga helayaa marsada ganacsi ayey noqonaysaa anigoo af-hayeenkii dhaqanka ahna waan soo dhaweynayaa waxaan idiin sheegayaa inay faa’iido inoo tahay waa heshiis wanaasan waa heshiis nabadeed dadka degaana waa dad wanaagsan oo jecel qaranka iyo horumarka”.

Ugu danbayntii Af hayeenka dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed xiiray waxaa uu ka hadlay sulaadiinta u hanqaltaagaya maamulka xamar waxaana hadaladiisii kamid ah “xamar ma dawladbaa joogta anagu ma tagayno shaqana kuma lihin sulaadiinta soo xulayaana waa sulaadiintii hore ba usoo xushay ee 60ka ahaa suldaan la doortay iyo mid caana boodhe lagu shubayba way jiraan laakiin anagu shaqo kuma lihin tagina mayno shaqana kuma lihin shir na quseeya oo Somaliland meel kazoo galena maaha ninka suldaana ee madax dhaqameeda ee halkaa tagaana ee ka qayb galaana waa nin ummada Somaliland iyo qaranka somalilandba meel kaga dhacay Somaliland-na wax kiish la galiyo ama salad lagu qaado ka weyn “gojoxo geel wax la qariyo ka weyn” Somaliland way ka weyntahay wax nin meel la istaago oo yidhaa somalilandbaan ahay”