Taaba Qaadka Horumarka Xukuumadu Wuxuu Saldhig U Yahay Gaadhista Yoolka Siyaasada Madaxweynaha Qaranka Axmed Maxamed Siilaanyo.

0
386

Taaba Qaadka Horumarka Xukuumadu Wuxuu Saldhig U Yahay Gaadhista Yoolka Siyaasada Madaxweynaha Qaranka Axmed Maxamed Siilaanyo.

Lix sanadood ayey hada madaxa ka jartay Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ka dib doorashadii uu Xisbiga Kulmiye ku guulaystay sanadkii 2010-kii waxay keentay inuu dalku horumar gaadho wax badanina iska bedelaan, mudadaasi ay xukuumada Madaxweyne siilaanyo jirtay waxaa dalka ka qabsoomay waxaan u qabsoomin 25 sanadood oo ay Somaliland jirtay.

Dhamaan waxqabadyadaasi kala duwan ee sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha Siyaasada Arimaha Gudaha iyo Ta Arimaha Dibada, Dhismayaasha Wadooyinka iyo Xarumaha Dawligaa, guulahaasi ay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahy Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay dalka usoo jiiday horumar balaaadhan sidoo kale waxaa iska beadleen qaab dhismeedkii haday wado tahay iyo haday xarun dawladeed tahay, waxaana ay noqonaysaaa xukuumadii ugu horaysay ee Somaliland soo marta ee gaadha guusha intaasi leeg wakhti yar oo kooban.

Inkastoo aanu islahayn wakhtiga xukuumada la doortay iyo waxqabadka balaadhan ee ay dalka ka fulisay hadana waa mid aan dadka qaarkii u qudh qudhsanayn balse waa mid ay garnayaan dadka leh caqliyada caafimaadka qabta ee bilaa caadifadaa ahi, xukuumada Xaaji Axmed Siilaanyo waxaa la doortay 5_sanadood, waxaana ay qabatay wax qabad Somaliland aan ka qabsoomin 20_sanadood.

Waxay Dawlada maanta jirtaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii uga midho dhalin lahayd balan qaadyadii ay doorashada ku gashay markii ay jirtay ololihii doorasahada, masuuliyiinta kala duwan ee dowladu waxay fuliyeen yoolka siyaasada madaxweyne siilaanyo oo hadafkeedu ahaa isbedel dhama iyo horumar uu qaranku ku talaabsado taasi waxaa marag ma doon ah in qaranku maanta taagan yahay guulo waa weyn .