Taageerayaal Tiro Badan oo ka soo Jeeda Deegaanada War-Cimraan iyo Gumbur Libaax oo ku Biiray Xisbiga KULMIYE +Sawiro

0
771

Taageerayaal Tiro Badan oo ka soo Jeeda Deegaanada War-Cimraan iyo Gumbur Libaax oo ku Biiray Xisbiga KULMIYE
Weftiga xisbiga KULMIYE oo gaadhay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool + Guddoomiye Muuse Biixi oo lacag dhan $20,000 ku wareejiyey Guddiga Abaaraha ee Gobolka Saraar

Burco (WSN)- Xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey taageerayaal tiro badan oo ka soo jeeda degaannada War-cimraan iyo Gumbur Libaax ee Gobolka Togdheer.

Xaflad ballaadhan oo madaxdhaqameedka, aqooyahanka, xildhibaannada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada War-cimraan iyo deegaanka Bumbur Libaax (Reer Xarbi/Cimraan) ay ku shaaciyeen inay taageeradoodii ku biiriyeen xisbiga KULMIYE, ayaa ka dhacday barxad ku taal huteelka City Plaza ee magaalada Burco maanta, taas oo ay ka qaybgaleen Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi, Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Warfaafinta – Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), maamulka gobolka Togdheer iyo degmada Burco iyo madax kale.

Suldaanka guud ee beesha Cimraan Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur, cuqaasha, odayaasha, waxgaradka, Xildhibaan Cabdirisaaq Xuseen Obsiiye oo ka tirsan golaha degaanka Burco iyo Ibraahim Axmed Rooble, ayaa ka warramay go’aankooda ay ku taageereen xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweynaha oo ay tilmaameen inuu ka dhashay shirar iyo talo-ururin badan oo beeshoodu ka yeelatay mustaqbalka siyaasaddooda.

“Taariikhda aannu doonayno maanta inaad noo qortaan waxa weeye, beeshii ugu horreysay ee mucaaradkeedii iyo muxaafadkeediiba goob isugu yimaadeen ee wax naga dambeeya oo aad dib u tabtaan aannu jirin in annagu aannu kow nahay.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Maxamuud X. Xuseen Nuur.

Wasiir-ku-xigeenka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jaamac Cabdillaahi Biin, Safiirka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil, xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Burco, masuuliyiinta KULMIYE u kala qaabilsan Gobolka Togdheer iyo garabyada dhallinyarada iyo haweenka iyo xubno kale, ayaa khudbado ay ka jeediyeen xafladdaasi u mahadceliyey dadweynahan taageerada ay la barbar-istaageen xisbal-xaakimka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa ku tilmaamay taageerayaashan cusub ee ka mid noqday xisbiga KULMIYE qaar cududooda ay in badan sugayeen xisbi ahaan, isla markaana ay iminka aad ugu faraxsan yihiin tallaabada ay qaadeen.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si mug leh u soo dhaweeyey dadweynaha degaannada War-cimraan iyo Gumbur-libaax, waxaannu sheegay inay cudud, caqli iyo xoogba ku soo kordhin doonaan xisbiga.

Waxa kaloo Md. Muuse Biixi khudbaddiisa kaga hadlay qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo tiirarka ay ku taagan tahay oo ah ummadda oo u soo martay halgan naftooda iyo maalkoodaba ay ugu soo hureen, kuwaas oo iyagu ilaashanaya madaxbannaanida Qarankooda oo aan cidina waxyeelo u gaysan Karin.

“Haddii aynu KULMIYE nahay qodobka inoo aasaasiga ahi waa qarannimada Somaliland maaha mid laga gorgortamayo oo cid looga habranayo, Ilaahay baa ina siiyey, 30 sanno oo raacdo ah oo wixii aynu xoolo dhaqanay iyo wixii aynu hanti lahayn ku burburinay oo wixii wiil barbaar ahaa ee curad aynu u dilnay oo weli naafadii iyo agoomihii ay nooshahay oo markii aynu soo galnayna wixii dhacayba aynu kala walaalownay walaalaheenii kale ee Somaliland aynu Burco, Boorama iyo Berberaba heshiisyo gacan-saar ah ku yeelanay, innagoo ku heshiinay waxaynu ahayn dad walaalo ah oo fidmadii Siyaad Barre isku dirtay ee aynu noqono qaran wax wada leh oo wixii hore ilaawa oo talada wada leh oo dalka wada leh Galbeed ilaa Bari oo aan lahayn qolo SNM, qolo Daraawiish iyo qolo Cawaale Bustaale ah ee dhammaanteen wada ah Somaliland oo halgankii wada leh oo dhaawacii wada qabta oo geeridii wada qabta ilayn qolo walba ka dhimay oo waa la isku keen dilaye. Sidaynu go’aankaa u qaadanay cid gorgortan galin kartaa ma jirto,” ayuu yidhi Murrashax Muuse Biixi.

Guddoomiye Muuse waxa uu taageeray baaq ay soo jeediyeen masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo ka dalbaday golayaasha Guurtida iyo Wakiilladu inay abuuraan guddi baadhitaanno ku samaysa shirar qarsoodi ahaa oo ay hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI dalka Kenya kula galeen siyaasiyiin ka tirsan xukuumadda Soomaalilya, waxaannu yidhi “Arrinta Nayroobi kasoo baxdayna waxaannu ku raacsanahay in labada Gole ay u saaraan guddi lagu hubiyo arrintaasi halka ay tahay, waayo waa dhiillo qaran oo soo korodhay.”

Dhinaca kale, Weftiga Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Warfaafinta – Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo masuuliyiin kale, waxa uu isla galinkii dambe ee shalay socdaalkiisa u sii ambaqaaday Gobollada Saraar iyo Sool oo u tagay hawlo la xidhiidha gurmadka abaarta adag ee ka jirta gobollada bari.

Kulan weftigu magaalada Caynaba kula yeeshay guddiga abaaraha ee Gobolka Saraar, waxa Guddoomiyaha KULMIYE ku wareejiyey lacag dhan $20,000 dollar oo xisbigu u qoondeeyey inay qayb ka ah taakulada abaarta ee Gobolka Saraar.

Intaa kadibna waxa weftigu u baqoolay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo Guddoomiyaha KULMIYE iyo madaxda kale ee wehelinaysaa ay u hoydeen caawa.


????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????