Taariikhda Cali Xoor-xoor iyo Hogaaminta Marsada Berbera ee wakhtiyadii kala duwanaa ay isla soo mareen

0
665

Taariikhda Cali Xoor-xoor iyo Hogaaminta Marsada Berbera ee wakhtiyadii kala duwanaa ay isla soo mareen.

marka hore waxan salaamayaa dhamaan warbaahinta qaranka Somaliland meel ay wararka ka soo tebinayaanba guud ahaantood.

aan u daadego dulucda ujeedada maqaalkaygan waxaan dhawaanahan arkaayey warbaahinta qaar oo wax ak qoraaya xaalada dekeda berbera Maareeyaha dekeda Eng Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor).

Cali Xoor-xoor waxa uu noqday masuulkii ugu taariikhda dheeraa ee soo mara dekeda berbera lana soo shaqeeyey ugu yaraan 3 Madaxweyne oo u kala danbeeyey hogaaminta dalka, taasi oo uu ku mutaystay maareeyuhu dedaal iyo karti uu muujiyey intii uu dekeda gacanta ku hayey dekeda berbera, waxaana aynu odhan karnaa waa masuul ay mahadiyeen shacbiga iyo madaxweyneyaasha ay ummaddu u igmatay hogaaminta dalku.

Hadaba bal aan u daadego kuwo bartilmaameedsaday Engineer ka oo aad moodo inay ka war la’a yihiin dedaalka iyo waxqabadka muuqda ee uu ku talaabsaday maareeyuhu mudooyinkii kala duwanaa ee uu ku fadhiyey kursiga maamulka dekeda, aniga oo kuwaasi dareensiinaya in Cali yahay masuul hawl kar ah oo ka soo baxay waajibaadkiisa shaqo qarankana ku hogaamiyey horumar iyo dedaal ay dekeda berberi ugu jirto inay ka mid noqoto dekeda caalamiga ah ee ku yaala geeska africa oo aynu maanta ogsoonahay tartanka iyo loolanka loogu jiro waxaanan hubaa in ay taasi ku timid markii maareeye cali maxamed Xoor-xoor uu maskax iyo muruqba geliyey kana shaqaysiiyey shaqaale waynaha dekeda berbera tiraba saddex jeer oo aynu ogsoonahay madaxweynuhuna uu xadhiga ka jaray dekedaasi cusub ee u soo korodhay qaranka Somaliland.

Hadaba waxa aan leeyahay warbaahinta iyo kuwa ku gabada bahda saxaafada ee sharafta iyo karaamada ka mudan shacbigooda iyo masuuliyiintooda, wax iskula hadha oo u tudha qarankiina iyo sharaftiina oo shaqsiga wanaagsan waa lagu daydaa laguna hambalyeeyaa waxa uu qabtay iyo waxa uu umadda ku soo kordhiyaye ha noqonina iblays ee mansha allaa dhaha.

ugu danbayna waxa aan hadalkayga ku soo koobayaa shaqsiga wanaagsan ama waxqabadkiisu muuqdo bulshadeenu ma tixgeliso balse waxay ugu abaal gudaan aflagaado iyo hadalo aanu geyin qofkaasi waana ta sababtay in ka ma shaqaystaha ah ee iska fadhiya xafiiskiisa aanay cidi u hadal hayn ha ahaato amaan ama caytoona waana meelaha marka aad u fiirsato aad odhanayso malaa wanaagiibaa xumaan noqday xumaantiina amaanbay noqotay.
Lasoco taariikhda iyo muuqaalada dekedu soo martay mudooyinkii kala duwanaa ee maareeye cali maxamed cumar xoor xoor uu dedaalka iyo kartida la barbartaagnaa

Wabilaahi tawfiiq
Ugaas Yusuf
ugaasyare2000@gmail.com
Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here