TAARIIKHDU QARINAYSO ILAAHAYNA U DHAAFI MAAYO MAGAFAYAASHA MEEL KASTAY JOOGAN by Hibo Faarax

0
656

TAARIIKHDU QARINAYSO ILAAHAYNA U DHAAFI MAAYO MAGAFAYAASHA MEEL KASTAY JOOGAN

TAARIIKHDU QARINAYSO ILAAHAYNA U DHAAFI MAAYO MAGAFAYAASHA MEEL KASTAY JOOGAN
Message MAGAFAYAASHII KA DANBEEYAY DHALINYARADI GAADHAYSAY TIRADOODU 300QOF, QORMADA KOWAAD Marka hore waxan salaama dhamaan bahda warbaahinta , anigoo leh Asaalamu calakum waraxmatulaahi wabarakaatu. Salaan ka bacdi waxaan baadhitaan ku samayn doonaa ubaxaa iyo dhalinyarada ku dhimatay bada, inagoo soo bandhigayna laga bilaabo cidii dirtay ee fiisaha usoo saartay, halkay mareen ma madaarka ayay mareen mise dhulka, ma Sudaan bay ka tageen Masar, mise Masar toosa ayay tageen . wax kale oo aanu ku eegi doona baadhitaanka laamaha dawlada ee la shaqeeya Tahriibta, ama caawiya, ama madaxda dawlada xilal ka haysta ee lef xafiisyo dadka laga dhoofiyo ama u fududaysa, waxaanu is ku dayayna inaanu soo helno dhamaan dhalinyarada dhimatay talaabo talaabo cidii ka danbaysay laga bilaabo Hargeisa,Burco ama meel kale inay ka tagaan ilaa intay doonta ka raacayeen cida hawshaa waday , magacyada magafaayaasha Somaaliada ah meel kasta oo ay joogaan, gudaha iyo dibadaba. hadaan hadaba ku bilawna qormada koobaad, Baadhitaan aan wali dhamaystir min waxaanu xog ku helnay tirada dhalinyarada dhimatay inay u dhaxays 250 ilaa 300 qof, wali ma hayno tiro dhaba, laakin waa tirada ay noo xaqiijiyeen ka dib markaanu baadhitaan samaynay. waxay dadkaasi ka kala yimaadeen magaalooyinka Hargeisa, Burco, Mogdisho, Borama, Berbara waa meelaha ay u badnaayeen, waxaa tira ahaan lagu qiyaasay dadka Hargaysa, Berbara, Borama kaga jiray dhalinyaradaas ay gaadhayeen 100 ilaa 150 qof, halka Burcana ay gaadhayeen dhalinta kaga jirtay 15 ilaa 25 qof, waxaa kaloo naloo sheegay intii aanu baadhitaan ku jirnay in Koonfurta Somaaliya ay gaadhayeen dadka kaga jiray 20 ilaa 40qof. waxaanu ogaanay baadhitaan dheer, dadkani meeshi ay mareen markay tagayeen Masar, haday noqon lahayd cidi fiisaha u soo saartay, Madaarki ay ka dhoofeen , Diyaaradi ay raaceen iyo Cidi madaarka dhaafisay, Cidi Masar ku soo dhawaysay , Mukhalaski markabka saaray ee lacagta ka qaatay, way adagtahay runtii in lawada helo sawirada iyo magacyada dadka mukhalasiinta ah ee dawlad ama shacab ah ee ka shaqeeya waxan, laakin waxaanu isku dayi doona inta taagayo inaanu so bandhigno. hadab qormada kowaad hadaan soo gabagabeeyo, wixii intaa ka danbeeya waxaynu bilaabaynaa xogtii iyo baadhitaanki aanu samayno inaanu idiin soo bandhigno, laakin waxaanu ogaanay xaqiijinay dadkaas gaadhay 300 iyo dheeraadka ahi inay dhamaantood ka tahriibeen ama ka baxeen ama sii mareen markay Masar tagayeen dhulka Jamhuuriyada Somaliland, ha maraan Madaarka Egal International Airport ama ha maraan xadka Somaliland iyo Itoobiya u dhaxeeya ama ha maraan Hargaysa – Khartoum – Qaahira. waxaaanan soo bandhigi doona nin kasta oo lug kulahaa ha ahaado madax, ama shacab cida u doono ha noqdee ka habranmayno, adigana akhriste waxaan kaaga fadhinaa inaad nagu soo kordhiso wixii macluumaad ah ee aad ka hayso, dadka Tahriiibiya, Cida Tahriibisa, guryaha Tahriibayaasha loo sameyay iyo waliba gawaadhida qaada ee xuduuda dhaafisa. Lasoco, Qormada Labaad Fiira Gaara: Fadlan nala wadaag wixii aad xog hayso, masoo bandhigi doono magacaaaga iyo barta aad joogto midna, kaliya waxaynu rabnaa in aafada Tahriibta la joojiyo ama la yareeyo, waana masuuliyad ina wada saaran. kusoo dir emailkan, waa naga balan inaanu sirtaada ilaalino ilaahayn wuu nagu ogayahay hiboqaali2015@gmail.com