Tababare Carlo Ancelotti oo ka hadlay wararka Arturo Vidal la xiriirinaya Chelsea

0
298

Macallinka Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay wararka xiddigiisa qadka dhexe ee Arturo Vidal la xiriirinaya naadiga Chelsea.

Vidal, kaa oo Juventus kala soo shaqeeyay tababare Antonio Conte ka hor inta uusan u soo dhaqaaqin Jarmalka ayaa dab ku sii shiday xanta la xiriirineysa kooxda reer London kaddib markii uu LIKE saaray war suuqeed la xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo Blues taa oo ay taageerayaasha Chelsea soo dhigeen Instagram-ka.

Laakiin tababaraha reer Talyaani ee kooxda Bayern Munich ayaa mar wax laga waydiyay sheekadan ku jawaabay: “Gabi ahaan waa hadal micno daro ah.’.

Xiddiga reer Chile ayaa ka soo muuqday kooxda reer Germany 21-kulan dhammaan tartamada xilli ciyaareedkan wuxuuna u dhaliyay 3-gool.