TACSI:- Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Xildhibbaan Ibraahim Dhaadheere

0
355

TACSI:- Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Xildhibbaan Ibraahim Dhaadheere

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, afka xildhibbaanada golaha Wakiilada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh uu u dirayaa xildhibbaanada golaha Wakiilada iyo guud ahaanba shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum/Xildhibbaan Ibraahim Maxamed Xuseen(Dhaadheere) oo ka tirsanaa mudaneyaasha golaha Wakiilada Somaliland isla mar ahaantaana isla maanta 01/07/2016 kii ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah uu u dirayaa eheladii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo ku siffeeyey in uu ahaa shakhsi Alle ka cabsi badan, una samafala dadka danyarta ah, sida oo kalena door muhiim ah uu ka soo qaatay nabadeyntii beelaha Somaliland ee xilliyaddii sagaashamaadkii iyo weliba horumarka qaranka oo uu illaa xilligan ku hawlanaa, waxa kale oo uu tilmaamay in xildhibbaanku uu ka mid ahaa mudaneyaasha ugu wanaagsan sida oo kalena ugu da’da weynaa 82ka xildhibbaan ee aqalka golaha Wakiilada Somaliland.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu Alle uga baryeyaa Marxuumka in uu godka u nuuriyo, kana waraabiyo jannatul Fardowsa, sida oo kalena uu samir iyo iimaan ka siiyo eheladdii, qaraabaddii, asxaabtii iyo xildhibbaanada golaha Wakiilada ee uu ka baxay Marxuumku. Amiin Amiin

Innaa-Lillaahi, Wa-innaa Illeyhi Raajicuun

Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Hargeysa, Somaliland