TACSI: Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeynaaya Geeridii Ku Timi Marxuum/Siyaasi Cismaan Hindi

0
451

TACSI: Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeynaaya Geeridii Ku Timi Marxuum/Siyaasi Cismaan Hindi

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya afkiisa, ka xildhibbaanada, hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba afka taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh uu u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd eek u timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Cabdillaahi Cigaal(Cismaan-Hindi) oo maanta 18/09/2016 ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah uu u dirayaa eheladdii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaana uu ku siffeeyey in uu ahaa shakhsi wanaagsan oo si weyn uga soo qeyb-qaatay dhismaha qaranka Somaliland sida oo kale na muddo dheer ku soo dhex-jiray siyaasadda dalka.

Guddoomiye Cirro, waxa uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo kana waraabiyo jannatul Fardowsa sida oo kale na uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo eheladdii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.
Amiin Amiin.