telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

TACSI MADAXWEYNE

04/05/2018

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Ibraahim Ismaaciil Yuusuf (Dhabbuuke) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 04/05/2018, magaalada Burco.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsi yadaynayaa geeridaasi wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaad, Mudane Xasan Ismaaciil Yuusuf oo ay marxuumka walaalo ahaayeen.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

 


— 

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

356 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins