TACSI:Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE,waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska & Shacbiga Somaliland ee ka baxay Marxuum Maxamed Faarax Xirsi

0
345

TACSI
Hargeysa(WSN) Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Xirsi oo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaas oo xannuun ku soo booday ugu geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo taariikhda tahay 29/08/2016.
Marxuum Maxamed Faarax Xirsi oo hore xilal kala duwan uga soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka soo qaybqaatay halgankii iyo nabadayntii Qaranka, isla markaana ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga KULMIYE, waxa uu ahaa masuul waxtar badan galiyey wax-u-qabashada dadkiisa iyo dalkiisaba.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, shacabka iyo qarankana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE