Taliska Booliska Oo Soo Bandhigay Magacyada Rag Loo Xidhay Weerarkii Masuuliyiinta Waddani

0
316

Taliska Booliska Oo Soo Bandhigay Magacyada Rag Loo Xidhay Weerarkii Masuuliyiinta Waddani

Hargeysa(Warsugan) Taliska booliska Somaliland ayaa sheegay magacyada laba nin oo loo soo qabtay inay ku lug leeyihiin weerarro lagu qaaday saraakiisha Waddani. Ragga la qabtay ayaa la horgeynayaa sharciga kadib baadhista booliska.Hoggaanka booliska ayaa bulshada ugu baaqay in la dhawro karaamada ciidanka, islamarkaana ciddii dhib soo gaadho si nidaamsan u soo gudbiso cabashadooda.

Dad aan haybtooda la garan ayaa dhaawacyo u gaystay guddoomiyaha garabka dhalinyarada Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Barkhad Jaamac Batuun, xoghayaha caddaaladda.Weerarrada lagu bartilmaameedsaday masuuliyiintan Waddani oo todobaadkii hore dhacay ayaa lala xidhiidhiyay inay yihiin kuwo siyaasadaysan, maaddaama ay ku soo beegmeen xilli madaxdaasi xukumadda iyo xisbiga Kulmiye dhalliileen.
Afhayeenka ciidamada booliska Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis, ahna taliyaha ciidamada waddooyinka ayaa sheegay in lagu guulaystay soo qabashada nin telefoonka uga soo hanjabay Maxamed Sidiiq Dhamme iyo nin kale oo tuhun galay “ Waxay ciidamada boolisku gacanta ku soo dhigeen, eedaysane Khaliif Axmed Cali Cawaale, kaas oo loo haysto inuu u hanjabay Sidiiq Maxamed Cabdillaahi Dhamme, intii aan falku dhicin ka hor. Waxa kale oo baadhista booliska nooga soo baxay oo gacanta lagu soo dhigay Cabdikarriin Cabdillaahi Ismaaciil Rigaax oo isna lala xidhiidhinayo inuu fal dambiyeedkaas lug ku lahaa. Labadaba kiiskooda waa la baadhayaa waxaa degdeg loo hor geynayaa xeer ilaalinta iyo Maxkamadda,” ayuu yidhi gashaanle sare Faysal.

Dhinaca kale taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa dadka dhibku gaadho uga digay inaanay booliska eedayn laakiin, loo baahan yahay in nidaam asluub leh ay ugu soo gudbiyaan waxyeellada gaadha, si boolisku uga hawl galo. Waxa uu sheegay in boolisku dhaxamaha dhacaya heegan u yahay ilaalinta ammaanka bulshada, islamarkaana aanu geyin aflagaado.
Taliyaha bulshada ku boorriyay inay la soo xidhiidhaan ciidamada ammaanka “Ciidanka boolisku waa naftood hurreyaal idiin darban.Marka wax dhacaan, waa in loo soo gudbiyo taliska booliska, iyadoo aan cidna la eedayn,” ayuu yidhi taliyaha oo ka digay in dadka wax ku dhacaan eedeeyaan cid aan waxba lagu caddayn, islamarkaana ay ka war sugaan natiijada baadhista ciidanka.

Isagoo sii hadlaya waxa uu digniin u diray bulshada qaybaheeda “Anigoo taliyaha guud ee ciidanka booliska ah, waxaan halkan ka bayaaminayaa cid kasta oo ku kacda falal kicin ah, borobagaando, lagu kicinayo shacabka in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono,” ayuu yidhi taliye Fadal.
Xisbiyada Somaliland iyo qaybaha bulshada ayaa walaac ka muujiyay niman budad ku hubaysan oo masuuliyiinta Waddani weeraray.In arrimo siyaasadeed ama fikir la isku weeraro ayaa ugub ku ah Somaliland laakiin, arrintaasi wali ma cadda inkasta oo madaxda Waddani ku eedeeyeen in xisbiga Kulmiye ka dambeeyo.

Xigasho Wargeyska Warsugan