Taliska Ciidanka Dab-damiska Oo Ka Warbixiyey Isgaadhsiin Gaar Ah Oo Loo Sameynaayo Ciidanka Dab-damiska

0
425

Taliska Ciidanka Dab-damiska Oo Ka Warbixiyey Isgaadhsiin Gaar Ah Oo Loo Sameynaayo Ciidanka Dab-damiska

Hargeysa(Warsugannews)-Agaasimaha Fulinta ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka Somaliland Md.Cabdiqaadir Cumar Xaashi ayaa ka war bixiyey Isgaadhisiin gaar ah oo  Ciidanka Dab-damiska loo rakibaayo oo soo gaadhay Ciidanka,Agaasimaha oo arimahaasi kaga hadlay War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa waxa uu yidhi” Ilaahey baa mahad leh mar labaad waxaan u mahadnaqayàa wasiirada wasaaradaha daakhiliga, maaliyada, Diinta iyo Awqaafta iyo Duqa Caasimada Hargeisa oo gacan weyn ka geystey hirgalinta isgaadhsiinta Ciidanka Dabdemiska u gaarka ah isgaadhsiintaasi oo iyada oo isku dhan maanta soo gaadhey xarunta Ciidanka Dabdemiska.|

Agaasimaha Fulinta ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka Somaliland Md.Cabdiqaadir Cumar Xaashi ayaa isaga oo warbixintiisa sii wata waxa uu yidhi”Hadaba isgaadhsiintan oo aan nooceeda hore dalka looga isticmaali jirin ayaa waxey ka koobantahey Repeater Base laba qeybood ah oo lagu kala rakibi doono xarunta iyo tower kale oo war lalis, gacmaha lagu hadlo ee radio walktalkie oo aad iyo aad u casriya oo Ku shaqeyn doona GPRS, GIS iyo headphones aad iyo aad baan uugu mahad celinayaa wasiirka wasaarada màaliyada JSl marwo SamSam Cabdi Aaden oo iyadu mashruucan u hirgalisey ciidanka dabdemiska iyada oo hore wasaarada maaliyadu u hirgalisey mashaariic badan oo ay ka mid ahaayeen iibka gaadiidka, dhismaha guriga, Qalabeynta Xarunta, direyska dabka lagashado ee xubnaha Ciidanka dabdemiska Qaranka ugu danbeyn waxaan mahadnaqayàa balàadhan u dirayaa madaxweynaha JSL oo xukuumadiisu hirgalisey àasaaska iyo dhismaha Ciidanka dabdemiska qaranka Somaliland sidoo kale waxaan mahad naqbalaadhan u direyaa Gudida horumarinta Caasimada Hargeisa oo iyagu lahaa hindisaha mashruuca dabdemiska iyo hirgalintiisaba|”