Tirada Doorashooyinkii Soomaalilaan Ee Dadku Codeeyeen 1960 illaa 2021

0
302

Doorashadii ugu horraysay ee ay dadku codeeyaan waxa Soomaalilaan laga qabtay 17-kii bishii febarwar ee sanadkii 1960 . wixii ka horreeyey doorashan waxa xubnaha golaha sharci-dejinta magacaabi jiray hadba badhasaabka Ingiriiska ee wakhtigaasi joogay.waxaanay ahayd doorasho baarlamaan. Goobaha codbixinta waxa loo qaybiyey laba,oo kala ahaa.

Magaalo madaxyada degmooyinka

Goobo ka baxsan magaalo madaxyada sida, tuulooyinka iyo meelaha miyiga ah.

Dadweynaha ka codaynaya magaalo-madaxyada waxa loo qorsheeyey  in magacooda la diwaangaliyo, ka hore intaan la gaadhin maalinta doorashada. Goobaha kale ee ka baxsan magaalooyinka waxa loo qorsheeyey in magacooda la diwaangaliyo maalinta codka ay dhiibanayaan. Inta badan doorashadu waxay ka dhacday goobihii loogu tallogalay, marka laga reebo LAASQORAY iyo SAYLAC taaso ay ugu wacnayd inaan lala tartamin xubnihii iska soo sharaxay, oo kaligood loo daayey.

Xeerarka doorashada

= Dumarka looma ogalayn inay ka qaybgalaan doorashada

= Ragga la dooranayo waa inaanay da’doodu ka yarayn 28 sanno

= Waxa codayn kara qofkii ka weyn 21 sanadood

= waxa codayn kara qofkii muslim ah, lama ogala gaalada.

Sidey ururadii tartamayey u kala heleen xubaha.

= Ururka S.N.L wuxuu helay 20 xubnood

= Ururka U.S.P wuxuu helay 12 xubnood

= Ururka N.U.F wuxuu helay 1 xubin.

Tirada guud e ay heleen ururada tartamayey waa 33 xildhibaan.

Doorashooyinkii La Qabtay Gooni-Isu-Taagga Ka Dib.

Doorashadii Golayaasha Degaanka ee la qabtay 15/December/2002 ayna ka qayb galeen Lix (6) urur-siyaasadeed oo kala ahaa KULMIYE, UCID, UDUB, ASAD, HORMOOD iyo SAHAN.

Doorashadii Madaxtooyada ee la qabtay 14/April/2003, ay ka qayb galeen sadexda xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID

Doorashadii Golaha Wakiilada ee la qabtay 29/September/2005 ayna ku tartamayeen musharrxiinta Golaha Wakiillada ee Sadexda xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID.

Doorashadii Madaxtooyada ee la qabtay 26/June/2010 ayna ku tartamayeen musharraxiinta Madaxweyanaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiyada UDUB, KULMIYE iyo UCID.

Doorashadii Golayaasha Degaanka ee la qabtay 28/November/2012, doorashadaasi oo ay ku tartamayeen musharraxinta toddoba (7) xisbi/urur siyaasadeed oo kala aha KULMIYE, UCID, WADDANI, XAQSOOR, DALSAN, RAYS iyo UMMADDA.

Doorashadii Madaxtooyada ee la qabtay 13/November/2017, ayna ku tartamayeen musharraxiinta jagada Madaxweyanaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

7.Doorashadii Golaha Wakiillada ee la qabtay 31/May/2021, ayna ku tartamayeen musharraxiinta Golaha Wakiillada ee Sadexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

Doorashadii Golayaasha Degaanka ee la qabtay 31/May/2021 ay ku tartamayeen musharaxinta Xisbiyada kala ah; KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraac: Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed(2009)…….. Cali Jaamac Qalinle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here