TOP: Bixi Hal Milyan Oo Hel Dhalasho Turki Ah (AKHRISO)

0
637

Dalka Turkiga oo maalhana wax badal ka badaley qodobo ka mid ah dastuurka ayaa maalmaha soo socda la filayaa in isbadal kale ku sameeyaan arrinta la xiriirta jinsiyadda iyo dhalasho siinta kadib markii madaxweynaha Turkiga uu soo jeediyay in dhalasho lagu badasho maalgeshi.
Recep Tayyip Erdogan Jinsiyadda Turkiga waxaa uu siin doonaa qofkii bixiya 2 Milyan ama guri ku iibsato 1 Milyan isagoo aan iibin doonin muddo 3 sano ah.
Erdogan oo sabtidii ka Hadley suuqa sarifka lacagaha ee Istanbul xaflad loo dhigey waxaa uu sheegey in dhalashada Turkiga la siin doono qofkii maalgeshi 1 Milyan oo Dollar ah ku sameeya dalka Turkiga.
Erdogan waxaa uu arrinta ku tilmaamey iney qeyb tahay global citizenship isagoo intaa ku darey in Turkiga u baahan yahay Maalgeshi iyo ganacsato dalkiisa dhisa.
Madaxweynaha Turkiga arrintasi dhalasho siinta waxaa uu qabaa iney kor u qaadeyso dhalaaha iyo dakhliga soo gala muwaadinka Turkiga ah iyo sidaa ay dhalinyarada ku heli lahaayeen shaqo.
Dhalasho siinta dalka Turkiga waxaa shardi u ah in qofka uu dhul iibsado weliba uu 3 sano isaga leeyahay.
UK, Canada iyo dalal badan ayaa u fududeeyay iqaamada qofka maalgsehi ku sameysta, Imaaraadka oo Soomaali badan ganacsi ku heysato qofkii guri ku leh, waxaa uu heli karaa Iqaamo, waxaa kaloo jira wadamo badan oo qiimo yar oo maalgeshi ah u badasha dhalashada si loo dhiirigeliyo maalgeshiga.