US: Obama oo jeediyay khudbaddiisii ugu dambeysay kana mahadceliyay 8-dii sano ee uu dalka soo maamulayay

0
327

Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Mareykanka Barack Obama ayaa jeediyay khudbo uu ku macsalaameeyay taageerayaashiisa. Khudbaddan ayuu u jeediyay kumannaan qof oo isugu yiymid hool ku yaal magaalada Chicago oo ah meesha uusiyaasadda kasoo billaabay.

Dadka ayaa si weyn oo farxad leh ugu sabciyay Obama oo 20-ka bishan xilka ku wareejin doona madaxweynaha la doortay ee Donald Trump. Wuxuu sheegay in uu ka tagayo Mareykan wanaagsan, oo awood leh, iskuna duuban.

Wuxuu tilmaamay inuu shaqa wanaagsan qabtay siddeedii sano ee uu xilka hayay. Haddaba maxaa la taaban karaa oo uu Obama ka bedelay siyaasadda gudaha ee Maraykanka ka dib sideed sano oo uu xukunka hayay?

Wuxuu xusay guulaha uu gaaray, sida koboca dhaqaalaha, heshiiska nuclearka ee Iiraan, soo celinta xiriirka Kuuba, iyo xuquuqda dadka Mareykanka.

Laakiin wuxuu sheegay in rajada mideynta qowmiyadaha Mareykanka oo uu ka dhawaajiyay xilliguu xilka qabtay ay weli suuragal tahay, wuxuuna qiray in kala qeybsanaanta weli ay tahay mid xoog badan oo taagan.