Valencia oo ku soo biirtay kooxaha doonaya Patrice Evra

0
426

Kooxda Kubadda Cagta Valencia ee Waddanka Spain ayaa ku soo biirtay loollanka loogu jiro Daafaca dambe ee kooxda Juventus iyo xulka Faransiiska Patrice Evra, kaas oo day dayanaya koox uu u wareego inta lagu guda  jiro suuqan kala iibsiga ciyaartoyda ee Janaayo.

Wararka ka imaanaya Spain ayaa tilmaamaya in Valencia ay Manchester United kula tartami doonto dadaalka koox waliba ku doonayso Evra oo 35 sano jir ah kaas oo doonaya in uu isaga tago magaallada Turin si uu u helo fursad joogto ah oo uu ku ciyaaro.

Saxaafadda Caalamka ayaa sheegtay in ay dhici karto in Evra uu dib ugu laabto naadigiisii hore ee Manchester United si uu booska daafaca ula tartamo daafacyada kale ee Daley Blind iyo Luke Shaw.

‘SportItalia’ ayaa iyadana ku nuux nuuxsatay in Valencia oo haatan wada hadallo kula jirta Juventus si ay u hesho Simone Zaza ay sidoo kale wada hadalladana ku dartay Evra.

Heshiiska Evra ee Juventus ayaa dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana keliya uu fursad u helay inuu kooxdaasi u safto 6 kulan oo Seria A ah  xilli dheeleedkan, waxaana markiisii hore uu ka yimid dhinaca Old Trafford 2014.