WAA KUMA Mr PUTIN(ka) SOMALILAND‏

0
1028

WAA KUMA Mr PUTIN(ka) SOMALILAND‏

Cabdi Nuux Warsame (Madoorsame Bulsho kasta oo dunida ku nooli, waxay leedahay siyaasiyiin leh astaamo hogaamineed oo ay masiirkooda iyo aayohooda ku aaminaan. Haldooradaasi waa kuwo sida CADCEEDA uga dhex iftiima ummadaha ay majaraha u hayaan.

Waa Rag iyo Haween leh raad raac taariikheed oo sugan(unique historical reference) . Xilalka iyo maskabyada ay hayaana waxay ku gaadhaan,sumcad iyo karaamo ay ku kasbadeen shucuurta iyo quluubta muwaadiniinta ay majara u hayaan Dhaxal waara oo lagu xasuusto ayay kaga tagaan diiwanka ma duugoobaha ah, oo baal dahabiya loogu xardhaa magacyadooda..Hadaba innagu hadaynu nahay reer Somaliland inta badan waynu ku hog-seegnaa doorashada madaxdeena masiiriga ah, waayo waxaynu ku salaynaa xulashadooda, Qabyaalada oo ah ASNAAM aynu caabudno, taas oo naafaysay garaadkii bulshada,curyaamiyayna horumarkii iyo hiigsigii hanaan dawliya oo si dhab ah uga hirgala waddankeena.Haddaan u gonda-dego oo halbeeg sugana ku cabiro nuxurka qormadani xanbaarsantahay.

Waa kuma Mr PUTINka Somaaliland?

Marka hore fikir iyo garaad fayow oo Qabyaalada ka GAALOOBEY, iimaan hodan ka ah Anfac iyo Xil quudheed iyo aragti ka fog caada qaatanimo iyo guul-wadayn oo gaar ii ah, ayaan ku iftiiminayaa haldoorka iyo siyaasiyiinta reer Somaliland ee aan u arko in ay noqon karaan madaxda mustaqbalka. Waana halyeeyada aynu rabno in ay u dhigmaan,,hogamiyeyaasha laga xuso daafaha dunida ee shacabkooda ka samata bixiyey halaagii iyo masiibooyinkii lasoo dersey, gaadhsiiyeyna horumarka iyo badhaadhaha ay dhitadeeda maalayaan,.Hadaba akhristow maqaalkani wuxu ku aroorayaa oo iftiiminayaa siyaasi reer Soimaliland ah oo aan barbar dhigayo hogaamiyaha caanka ah ee Vkadamir Putin, madaxweynaha Ruushka oo ka mid ah, siyaasiyiinta ugu caansan adduunka aadna loo tixgeliyo. Mr PUTIN ka Somaliland waa siyaasiga da,da yar ee ka dhex muuqda golaha wasiirada xukuumada manta talada Dalka haysa, ahna wasiirka madaxtooyada MD Xirsi Cali X Xasan.Waa halyeey xilkas ah, wax qabadkisa iyo kartidiisana ay ka markhaati kacayaan kumanyaal qof oo reer Somaaliland ahi. waana masuul 16 astaamo wadareed oo haldoorka masiiriga ah lagu xusho la wadaaga Vladamir Putin,Waa nin runtii la odhan karo ,wuxu dhex u noqon karaa, iskuna wadi karaa, bulshadan himiladoodii ku hanqaarantay ee24 ka sano u afduubnayd aafooyinka ragaadiyey sida( Qabyaalada, Dulmiga, Jahliga, Musuq-maasaqa, Eexda, Sedbursiga, Dilka, Dhaca, Boobka iyo Cadaalad darada), masiibooyinkaa oo dhammaantood aynu inagu gacmaheena ku

kasbanay( self made disasters).Inkasta oo hanka iyo damacu yahay hibo aan loo sinayn,xilka iyo madaxnimaduna yihiin deeqo, Mawluhu ku marti geliyo ciddii uu isagu u garto.Haddana waxan shaki ku jirin in mudane Xirsi Cali X xasan( Mr Putin), ku suntanyahay awood hogaamineed iyo mustaqbal siyaasadeed oo uu ku hanan karo talada Dalka , taas oo aynu odhan karo, waxay kaga xidhantahay, keliya guusha uu ka soo hooyo , tartanka iyo loolanka ka dhex aloosan, xisbiga Kulmiye oo aynu saadalinayno in Mr PUTIN kusoo baxo hogaanka xisbiga talada haya.

Halkan ka baro astaamo wadareedka labada PUTIN wadaagaan.’

1)Codkar-nimada (Motivational communication)

2) Dulqaadka (Patience)

3)Damiirka (Conscience)

4) Geesi-nimada (Heroism)

5) Go,aan-qaadashada (Decision- making)

6) Hogaaminta (Leadership)

7) Hal-abuurka (Creativity)

8) Masuuliyada (Responsiblity)

9) Dhawr-sanaanta (Ethical behaviour)

10) Xogo-gaalnimada (Compassion)

11) Waayo-aragnimada (Experiencxe)

12) Hanka (Determination)

13) Xilkas-nimada (Commitment)

14) Feejig-naanta (Cautiousness)

15) Kartida( Ablity)

16) Dedaalka(Endeavour)

Guntii iyo gebagebadii sida tusmada saadashu hollanayso, Mudane xirsi Cali X Xasan (Mr Putin) waa madax weynaha mustaqbalka dhow, isaga iyo siyaasiyiinta kale ee xalaasha ah, ee heegan ka ugu jira, dadkooda iyo Dalkooda waxa baafibaya, Dal qani ka ah khayraadka dabiiciga ah, iyo shacab dun gobeed leh, ayse aafada qabyaaladu garaadkoodii caydhaysay oo tebeya ,hammuuna u qaba hogaamiyeyaal DAACAD AH oo samata bixiya .

Qalinkii Cabdi Nuux Warsame(Madoorsame)

Independent Researcher and Social Activist

abdinoah1@gmail.com

Phone 0634850848

La soco Qormada labaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here