”Waa Lagu Arkay, Waa Lagu Tijaabiyay, 12 Sannaad Haysatay, Waad Seexatay Oo Waad Hamaansatay, Waad Feedhtantay, Doorashooyinkii Hore Waxaanu Ahayn Saddex Xisbi Oo Mudakara, Qabyaaladi Ma Jirin, Balaayo Lama Soo Faqi Jirin Tan Iyo Intii Waddani Samaysmay Dalkeena…”

0
418

”Waa Lagu Arkay, Waa Lagu Tijaabiyay, 12 Sannaad Haysatay, Waad Seexatay Oo Waad Hamaansatay, Waad Feedhtantay, Doorashooyinkii Hore Waxaanu Ahayn Saddex Xisbi Oo Mudakara, Qabyaaladi Ma Jirin, Balaayo Lama Soo Faqi Jirin Tan Iyo Intii Waddani Samaysmay Dalkeena…”

“Waxaan Tagay Imaaraadka Carabta Wallowayn Oo Dhami Waxay Leedahay Ilaahayow Soo Saar Cirro, Annaguna Waxaan Leennahay Ilaahayow Ha Soo Saarin Cirro, Kan Muuse Xaga Somaliland-Nimada Wuu Ku Ad-Adagyahaye Laakiin…..” Murrashax Faysal Cali Waraabe

Hargeisa (Warsugan) – Musharaxa madaxwaynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID ahna Guddoomiyaha xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul u naqdiyey musharaxa madaxwayne ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, kaas oo uu ku eedeeyey in markale in isaga iyo xisbigiisaba laga jecel yahay Somalia, isla markaana tilmaamay inay reer koonfureedku jecel yihiin inuu Mr Cirro Madaxwayne ka noqdo Somaliland.
Eng Faysal Cali Xuseen waxa uu sidoo kale sheegay in tan iyo markii uu xisbiga Waddani uu ka mid noqday axsaabta Somaliland inay khataro badani kusoo kordheen dalka, kaas oo hoose ka xariiqay habdhaqano lagu khalkhal galinayo dalka uu la xidhiidhiyey madaxda xisbiga Waddani.

Sidoo kale Musharaxa UCID Mr Faysal waxa uu eedeeyey Musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inaanay wakhtigani ahayn wakhtigii ku haboonaa in loo doorto hogaaminta dalka.

Waxaanu sidaasi ku sheegay Faysal Cali Waraabe mar uu shalay Taageereyaasha xisbiga UCID kula hadlayey fagaaraha beerta Xoriyadda magaaladda Hargeisa.

Ugu horayn isagoo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waa doorashadii lixaad tan hada aanu galayna, doorashooyinkii hore anaga tartamaynay Siilaanyo iyo Rayaale, labadii doorasho ee aan tartanay walaalayaal waxaanu ahayn saddex xisbi oo mudakara, dad xilkasa ayaanu ahayn, wax is tuurtuura ma jirin, qabyaaladi ma jirin, cadaawadi ma jirin, balaayo lama soo faqi jirin, ilaa iyo intii xisbigan Waddani samaysmay dalkeena khalkhal buu galinaya.

Waxa weeyaan wixii maalintii dhawayd Boorama laga hadlayay ee warqada laga akhrinayey, waxaad arkaysaa in cunfi iyo xaasid la abuurayo iyo ceeb la abuurayo, Muuse-na wuxuu ka akhriyayey Burco waad arkaysay, waa laba kooxood, laba murashax ma hayne waa laba qabiil iyo kooxo Kulmiye ka soo baxay oo doonaya kursiga uun.

Waxaan idiin sheegaya walaalayaal dadkaasi maanta haday soo baxaan dalkeena barakac baa ku soo socda walaahi waxa dhacaya qabaa’ilka is dilaya, waayo miinooyinkii bay aaseen oo waxay abuureen cadaawad.

Waxa madax lagu doorta aragti baa lagu doorta, go’aan qaadasha lagu doorta, isku duubnaan baa lagu qaata, deeqsinima lagu qaata, go’aan adayg baa lagu qaata inta bal eega oo Cabdiraxmaan Cirro midna ma leh, markaa midna waa ninka iska jiifa midna waa ninka dhengeda sita miyay Wadan wadi karaan oo dadka miyay midayn karaan?
Nabad baad haysataan walaalayaal, nabada kuwani way idinka baabiinayaane, inta idinka maqana annaga ayaa samayn doona insha allahu tacaala, nabadana ku adkaysta, waxaad tidhaahdaan idin diidnay, qabyaalad diidnay qaran baanu u footaynayna dhaha walalaayaal.

Walaalayaal magaceenii hoos buu u dhacay, waxa ina xumeeyayna waxa weeyaan sharci darada, waxa ina xumeeyay odayaasha soo taagan Tv-ga ee qabiilka ku hadlaya ee reeraha u hanjabaya, ee caytamaya ee dawlada u hanjabaya, kuwaasna sharci baanu ka soo saari insha Allaah tacaala”.Eng Faysal Cali Xuseen isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waxaad ogtihiin Cabdiraxmaan Cirro waxa uu kasoo horjeedaa maalgashiga oo DPWORLD buu kasoo horjeedaa oo aanu doonaynay inay noqoto meesha aynu aduunka ka galayno oo Imaaraadka oo Saldhig dalkeena ka samaysanaya ayuu ka soo horjeedaa oo aanu doonaynay inuu noqdo wadan inala saaxiib ah aduunka inoo shukaamiya oo aanu rabnay inuu Carabta albaabkeeda inoo furo ayuu kasoo horjeedaa oo uu leeyahay haddii aan soo baxo waan eryeyaa DPWORLD. Markaa Cirro waxaan leeyahay Waa Lagu Arkay oo Waa Lagu Tijaabiyay, 12 Sannaad Haysatay, Waad Seexatay oo Waad Hamaansatay oo Waad Feedhtantay. Walaalayaal Waxaan Tagay Imaaraadka Carabta Wallowayn Oo Dhami Waxay Leedahay Ilaahayow Soo Saar Cirro, Annaguna Waxaan Leennahay Ilaahayow Ha Soo Saarin Cirro, isaga kan Muuse xaga Somaliland-nimada wuu ku ad-adagyahaye laakiin ka Cirro isagu wuxuu ku dawarsadaa i dhisa anigaa Somaliland keenayee”.

Faysal Cali Waraabe isagoo ka hadlaya Muuse Biixi durraya, waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Bal eeg Muuse Biixi wuxuu leeyahay kaadidayda ayaan u soo cabay, inta aan anigu Somaliland taray tan iyo maalintii la aas-aasay ma jiro mid ka mid ah oo taray, waad ogaydeen magaalooyinka waawayn oo faaruq ah ayaan u shaqaynayey dadkan, waxaad ogaydeen in maalintii doorashadda lagu kala helay 82-ka cod inaan anigu markii hore aqbalay oo uu markii danbena aqbalay Axmed Siilaanyo. Mida kale Muuse Biixi waxaan leeyahay jaaniskaagii maanta maaha oo jaaniskaagu waxa uu ahaa maalintii dalka la xoreeyey ee SNM wadanka qabsatay ee anaguna aanu iska shaqaysanaynay ee aanu dibadda iska joognay inaad maalintaa dalka maamusho ayey ahayd oo waydinkii maamuli kari waayey ee is wada qabsaday markaa record-kaaga intii dalka la xoreeyey waa eber baan leeyahay Muuse-na”.

Dhinaca kale Prof. Axmed Cabdi Abyan murashaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Ucid oo isna fagaarahaasi taageerayaasha kala hadlay waxa hadalkiisa ka mid aha “Xisbiga Ucid ololihiisu waa olole nabadgalyo, waa olole aan fusuq iyo buuq iyo hablo ka soo jeeda basas daaqadahood oo wiilal dhexda hayaan aan lahayn, waa xisbi aan qabyaalad iyo taariikho madmadow soo fadhayn iyo boogo xoqayn. Waa aragtaan in labada xisbi ee kale waxay hawada isu marinayaan, waxaad mooda inay arrintoodu marayso wax walba ku hadal si lagu doorto, laakiin nabadgalyo daro hal maalin looma adkaysan karno, laba xisbi ee kale siday wax ku wadaan haddii sida lagu gaadho oo lagu tago maalinta doorashada codbixinta 13 ka November runtii ma saadaalin karo waxa dhici kara”
Waxa kale oo fagaarahaasi ka hadlay masuuliyiin ka tirsan xisbigaasi Ucid oo taageerayaashooda ku hanbalyeeyey sida quruxda badan ee ololaha ay u muujiyeen, isla markaana ay ku tilmaameen olole bilaa turxaan.

wargeyska warsugan
cadadkiisi maanta 31.10.2017