Home Maqaalo Waa Maxay Sababta Saami-qaybsi Doodiisa Keenta, Keliya Xilliga Doorashadu Taagan tahay?

Waa Maxay Sababta Saami-qaybsi Doodiisa Keenta, Keliya Xilliga Doorashadu Taagan tahay?

0
947

Waa Maxay Sababta Saami-qaybsi Doodiisa Keenta, Keliya Xilliga Doorashadu Taagan tahay?

 

Jamhuuriyadda Somaliland oo waxay ka mid tahay dalalka faro-ku-tiriska ah ee ay u suurto-gashay shacabkoodu inay doortaan dadku matalaya mansabyada siyaasadeed ee kala duwan. Waxay doorteen laba 3jeer Madaxweynayaal, sidoo kale 2 jeer Goleyaal Deegaan iyo hal mar oo ah Golaha Wakiilada.

Iyadoo taasi jirto haddana, waxa muddo dhaaf ku fadhiya Saddex gole oo ay ahayd in doorashooyinkooda la qabto.

Aan u nimaadno Golaha Wakiilada JSL, Waxa ladoortay 2005-tii. Waxay muddadoodu dhamaatay 2010. Inkabadan Laban-laab ayey dhaaftay muddo xileedkoodii. Waxa isku-dul-bedelay 3 Madaxweyne. Xildhibaanada Golaha Wakiilada ku dhawaad ½ waxay ku soo-galeen buuxin kuraas ay baneeyeen Xildhibaano ku baneeyey sifooyin kala duwan, Qaar kamid ah xasaanadda laga xayuubiyey intooda badan markay geeriyoodeen kadib ayaa la buuxiyey kuraastoodii.

Sidee ayey ugu suurto-gashay inay fadhiyaan 16sanno kuraas loo doortay 5sanno.

Waxa hubaal ah, xildhibaanku inuu si fiican u isticmaali karo awoodaha dastuuriga ah ee uu leeyahay inta lagu gudo-jiro muddada sida xalaasha ah loo doortay oo keliya. Sababtuna waxay tahay ma jirto cid aan ahayn shacabkii soo doortay oo doorkiisa siyaasiga ah iyo kursigiisaba gorgortan gelin karta.

Waxaa iyaduna laga wada-dheregsan yahay in xildhibaanadu ay samayn karaan xeerar u dan ah shacabka, diidi karaanna wixii dhaawacaya danaha guud ee shacabka inta lagu gudo-jiro muddo xileedka la doortay oo keliya.

Saami-qaybsi

Waa arrinta keliya ee sida joogtada ah ugu doodaan markasta oo la isku dayo in doorasho Golaha Wakiilada ah la qabo. Inta badan xubnaha Golaha Wakiiladu taageero wayn bay u muujiyaan qadiyadda Saami-qaybiga. Waxay olole horleh ka bilaabaan gobollada u nugul doodda jilicdasan ee ku salaysan danahooda gaarka ah, taas oo aan habayaraatee dan muuqataa ugu jirin dadka shacabka ah. Keliya waxay uga faa’iidaystaan ka hortagga qabsoomid doorasho.

Haddaba, Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiiladu Ma Dood Shacab baa mise waa mid ku salaysan danaha gaar ka ah ee xildhibaanada Golaha Wakiilada?

Fikradayda, waa dood ku salaysan danaha gaarka ah ee xildhibaanada Golaha Wakiilada. Maxaa yeelay, Maxay marka keliya laga hadlo qabsoomidda Doorosho uu xildhibaanku ula soo boodaa lama xallin weli Saami-qaybsigii Kuraasta?

Ma Maalinta Doorasho layidhaa, ayay tahay in saami-qaybsi laga hadlo? Mise waxay ahayd inay ku darsadaan hawlaha maalinlaha ah ee ay u hayaan qaranka, Xallinteedana la sameeyo inta aan la gaadhin xilli doorasho.

Waxa qoray: Abdirizak Omar Ainan, MBA, BScIT
Falanqeeye Saxaafadeed, ahna Barre Jaamacadeed

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here