“Waa Xukuumadii Ugu Horaysay Ee Wax Qabatay Intii Rubuc Qarniga Ahayad Ee Laga Soo Noqday Burburkii,”

0
458
????????????????????????????????????

“Waa Xukuumadii Ugu Horaysay Ee Wax Qabatay Intii Rubuc Qarniga Ahayad Ee Laga Soo Noqday Burburkii,”

“Waxaan u malaynayaa Dadku Indhahooday qabaan, laguma gorgortami karo, ama lagu gorgortami maayo, ama lagu tartami maayo, Deegaankan marka ay timaado wakhtiga Doorashdu, Ninkii wax qabtay ayuunbaa wax gashaday Dadka,” Wasiir Cumar Yre

Hargaysa (Warsugannews) Wasiirka Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Cumar Sh Maxamed Faarax oo hadal ka jeediyey Munaasibadii Xadhiga lagaga Jaraayey Furitaanka Wadada Kalabaydh Ilaa Dila, ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye Abaal weyan ku leeyahay Dadka Deegaankaas, sidoo kalena uga mahad celiyey Madaxweyanaha Qaranka Wadadaas uu u sameeyay Dadka Deegaankaas, Wasiirka oo ka hadlaaya arintaas ayaa yidhi:-“ Aduunyada waa laga socdaa oo qofba wax ayaa lagu tiriyaa, balse Taariikhda uu ka tago ayuunbaa hadha, taas ayuunbaa la isku xasuustaa, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Taariikh lama ilaaban ah ayuu ka tegidoonaa Marka uu ka digo Xilka, waa Xukuumadii ugu horaysay ee wax qabatay intii Rubuc Qarniga ahayad ee laga soo noqday Burburkii, Xag Nabad Galyo ha ahaato Xag Bulsho ha ahaato, xag Waxbarasho ha ahaato, Xag Dhaqaale ha ahaato,”

Wasiirka oo hadlkiisa sii wata ayaa yidhi:- “Umaduna waxa ay u baahan tahay Ninkii wax qabta ayuunbay ku xisaabtantaa, Wadadaasi, Dad ayaa I weydiiyoo I yidhi hadii aad Wasaaradii Duulista joogto maxaad uga shaqayn weyday, Groonkii Boorma, waxaan ku idhi Wadadii ayaa soo gaabtayoo, Saacad ayaabay noqotay Hargaysiye, Diyaar soo fadhiisanaysaa ma jirto, markaa way gaabatay Afar Saacdood ayey ahayad awal wax manta ugu culus oo la qabtaana ma jirin,”

Ugu danbayntii Wasiirka oo u mahad naqaaya Madaxweyanaha ayaa yidhi:-“Madaxweyne waxaanu kuugu mahad naqaynaa Wadadaas horena aad Kharashkeeda u bixisay, imikana aad bixisay eek a dhaadhacaysa halkan, eek u dhaadhacaysa Ruqay oo iyadana hada la bilaabaayo, waxaanu aad ugu mahad naqaynaa Wasiirka Madaxtooyadaiyo Wasiirka Hawlaha Guud, iyo Wasiirka Maaliyada oo wax badan ka qabatay Dalka Gobol ahaan iyo Degmo ahaanba, waxaan u malaynayaa Dadku Indhahooday qabaan, laguma gorgortami karo, ama lagu gorgortami maayo, ama lagu tartami maayo, Deegaankan marka ay timaado wakhtiga Doorashdu, Ninkii wax qabtay ayuunbaa wax gashaday Dadka.”