Waar Dhinaca Xun Wax haka Eeginee Dhinaca Wanaagsan Wax Ka Eeg W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( GEELE )

0
1046

Waar Dhinaca Xun Wax haka Eeginee Dhinaca Wanaagsan Wax Ka Eeg

W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( GEELE )

Fikirka ah inuu qofka dhinaca wanaagsan ama dhinaca xun wax ka eego waxa uu ka soo bilaabmaa qofka marka uu dhasho iyo marka uu yaryahay ama waalidka ayuu ka soo bilaabmaa , waalidkaa qofkani ay dhaleen ayaa ku abuuri kara inuu dhinaca fiican wax ka eego ama dhinaca xun wax ka eego ,waalidka qaarkii markay ilmahooda la hadlayaan inay yidhaahdaan waar saaqid baad tahay waxba fahmi maysid iyo meelna gaadhi maysid kelimaadka noocaasa qofkii yaraa maxay ku abuurayaan in uu aamino markuu weynaado inaanu waxba noqon karayn ,inaanu meel gaadhi karayn waliba arimaha noocaasa hadii lagu soo celceliyo qofka maskaxdiisa wuu aaminaa qofka yar hadhow dib uma kacaba waxyaalaha ka qaybqaato in afkaarta noocaasa ha noqoto afkaar wanaagsan ama mid xune qofka inay ku abuuran waxa kamida familiga naftiisa iyo caa’ilada uu qofka ku dhex noolaa ayaa ku abuuri kara ,hadii familiga ku badantahay fikirka xun oo markasta lays dhaleeceenayo oo naanaysta qofka loogu yeedhayo ay tahay naanays xun oo qofka caay looga dhigayo qofkaasi muxuu ku korayaa ? waxa uu ku korayaa waxyaalaha xun ee tilmaamaya inaanu wax qabsan karayn meelna aanu gaadhi karayn oo uu faashil yahay ayuu ku korayaa waana sida inta badan dad badanoo reeraheena kamida ay yihiin qofkii yaraa naanays inay uga dhigaan meesha uu iinta ku leeyahay waxa kaloo ka qayb qaata bulshada nafteeda oo marka uu qofka dhex galo afkaar badan buu bulshada kala kulmayaa afkaartaasi haday tahay afkaar wanaagsan kor buu u soconayaa haday qaar xun u badan yihiin runtii hoos buu qofkii u soconayaa waxa lamida saaxibka , oo saaxibkaa afkaartaada wax buu ka bedeli karaa maalinba wax buu kuu sheegayaa , maanta tahriibka marka laga hadlayo in badan oo dhalin yarteena ka mida waxa saamayn ku sameeya asxaabtooda dibadaha jooga kuwaasi ayaa odhanaya waxaasaynu haysanaa , halkaasaynu maraynaa, janaynu ku jirnaa taasi markaa maxay keentaa qofkii yaraa ee halkan joogay ee aan waxba la socon inuu fikirkaas iska qaato waxa kaloo inoo dheer medhiyaha naftiisa runtii waxan la daawanayo barnaamijyada kala duwan ee la daawanayo saamayn bay ku samaynayaan fikirka qofka ama dhan wanaagsan ama dhanka xun ayey uga saamayn karaan labaduba way dhici kartaa .

Hadaba su’aal kale ayaa halkan taala waxa weeyaan saamayn intee le’eg ayuu ku samayn karaa qofka fikirkiisu haduu yahay fikir xun ama mid wanaagsan ? Is bedel intee le’eg ayey qofkaasi ku keeni kartaa ? waxa la yidhaahdaa marka ugu horeesa markay maskaxdaadu fikrad ku soo dhacdo laba mid uun bay noqotaa in ay noqoto fikrad wanaagsan oo timaamysa qof wanaagsan inaad tahay , inaad qof dedaalaya tahay , qof kor usocon kara inaad tahay ,qof mustaqbal leh inaad tahay taasi haday ku soo dhacdo dhinaca wanaagsan ayaad wax ka eegaysaa ama fikrada kugu soo dhacda inay noqoto fikrad xun oo ku odhanaysa qofkaaga ma fiicnid faashil baad tahay meel ma gaadhi kartid dadku wey ku necebyihiin cidi kuma jecla afkaarta noocaasa wey kugu soo dhici kartaa maalin kasta maskaxdayda iyo taadaba , markay maskaxdaadu arimahaas ku soo dhacaan way taxliilinaysaa waxaa kusoo dhacay waxay eegaysaa inay hirgaliso oo waxay maskaxdaadu isku dayeysaa in ay u hesho daliil iyo cadayn waxaa maskaxda ku soo dhacay inay run yihiin.

Tusaale : gabadh baa laga yaabaa telefoonka ninkeeda ayey eegaysaa waxa ay ku araktay number ,markaa numberkiibay Zaad ku eegtay waxay aragtay numberkaasi inuu yahay number qof dumara ,markii ay intaa aragtay ayaa markiiba maxkaxdeeda waxa ku soo dhacay fikrad xun oo ah ninkaagu gabar kale ayuu la sheekaystaa , bal eeg gabadhani fikradeeda hal shay baa ku soo dhacay oo ninkaagu qof dumaruu la sheekeystaa , marka maskaxdu waxay raadinaysaa inay arintani ku qanacdo oo ay u raadiso daliil , cadaymo kale oo cadaynaya inay arintani jirto markiiba maskaxdu way ka shaqaysiinaysaa waxay soo tuuraysaa ninku beryahanba inuu si fiican gabadhu u hagaajin ,inuu habeenkii soo daaho ,inuu meelo badan ku soo sheekeeyo , inuu guriga markuu yimaado uu fikirayo afkaar badan bay gabadhii maskaxdeeeda ku soo dhacaya oo intaba marka laysku duuduubo keensanaya inay gabadhu aaminto inay ku qanacdo ninku inuu gabar kale la sheekeesto arintaasi markay timaado waxa imanaya qofkii dumarka ahaa inay ku qanacdo arintan in ay jirto , qanaacadu markay timaadana waxa dhacaya inuu is bedelo dareenkii qofka lahaa oo cadhuu isku badalayaa neceyb buu isku bedelayaa inta badan gudaha qofka waxa kaga jiro inagu ma garanayno laakiin dareenkiisu ayeynu ka garanaa cadhadiisa , jaceelkiisa ,necbaashihiisa iyo farxadiisa waxaasoo dhan waxay cadeynayaan qofka gudihiisa waxa ku jira , marka qofkii dumarka markiiba waxa ku soo shaac baxaya dareen oo ninku in ay necebtahay ah dareenkaasi marka uu imaado waxa imaanaya inuu dhaqan keeda is bedelo oo marka uu ninka guriga soo galo gabadhiisii soo dhawayn jirtey kamaba hortagaysaba afkiina way buuraysaa ,wayna cadhaysantahay dhaqankeedii is bedel markiiba waxaa laga yaabaa ninkii inuu yaababa oo maxaa gabadhii badalay intaasi markay dhacdo waxa imaanaya qofkii dumar ahaa inuu jidhkeedii is bedelo waxa laga yaabaa inay markiiba ninkeeda caaydo, inay la hadasho, inay wax ku tuurto oo markiiba jidhkeeda ka qayb qaato balee mararka qaar waxa dhacayaba intaasi inay saameen ku sii samayso iyada caafimaadkeeda waxa laga yaabaa inuu dhiiga iyo macaankaba kaco waxaasoo dhan inay yimaadaan su’aasha halkan taala waxay tahay arimahaa maxaa keena ? macaanka inuu kor u kaco oo qofkii dareenkiisa is bedelo waxaa keena fikrad ku soo dhacday oo odhanaysa malaha waa lagula guursaday ayaa gabadhiiba kicisay.

Hadaba qodob kale ayaa halkan ku jira waxa weeyaan arimahaa markay sidan noqdaan sidee loo daweyn karaa ? arintan noocana markay sheekadu tahay dawadeedu ma noqonayso qofkii dumarka ahaa inaad raali galiso oo hadiyad u keento , ama qofkii dumarka inaad disho amaa dhibaato aad u gaysato ma noqonayso qofkii dumarka ahaa inaad cadaadiso , xalku muxuu noqon karaa ? qofka maxaa daweyn kara ? waxa daweyn kara fikradii ku soo dhacday bartii ay ka soo bilaabantay inaad tagto inaad fikradii baabiiso , fikradii ay soo qaadatay maxay ahayd ? waxay soo qaadatay inaad qof dumaraa la sheekaysato oo halkay ka keentay ? waxay ka keentay teleefoonka numberkii ay soo qaadatay iyo qofkii ay soo saartay ee dumarka ahaa waa inaad ka dhigtaa qofkaasi inaanu ahayn qofaad la sheekaysanaysay ee qof kale uu yahay .

Tusaale qofkii dumarka ahaa baa markii aad wada sheekeysateen bay ku tidhi telefoonkaasaan heloo waan eegay telefoonkii baad soo qaaday waxaad ku tidhi telefoonkan waxaa iskale qof dumara oo shirkada ka shaqeeysa oo qaybtaa haysata oo xaas leh waa kane la hadal markaasay la hadashay , maxaa soo baxaya ? waxaa soo baxaya fikradii ay aamintay ay ku qanacday iyo cadaymihii ay keentay been inay ahaayeen oo ninkeedaba gabadhani aanu la sheekeysanayn , waxaa markaana imaanaya gabadhii way is bedelaysaa fikrikii ayaa is bedelaya darenkeedu wuu is bedelayaa dhaqankeedana wuu is bedelayaa jidhkeedu wuu is bedelayaa sidaa daareed waxa muhiima marka laga sheekeenayo qofku inuu u fikiro qaab wanaagsan waa qodob aad u laf dhabaraa horumarkana qofka bani aadamkana taasay ku xidhantahay , bale qof inuu saciid ahaado oo qof raaxaysanaya iyo inuu noqodo qof werwersan waxay ku xidhantahay markasta fikradaa ku soo dhacday siduu u daweeyo qofkaa dumara fikradaa ku soo dhacday haday markiiba odhan , maya ninkan gabadhani lama sheekeysanayo waxaa laga yaabaa inay wax kale tahay sheekadu halkaa may gaadheen .

Hadaba hadii aad rabto is bedelkaa inaad samayso naftaada aad ku samayso afkaarta kugu soo dhacaya ee qaarna wanaagsanyihiin qaarna xun yihiin kuwa xun waa inaaad ka fogaataa waa inaad isku daydaa markasta inaad u fikirto qaab wanaagsan wax kasta oo kugu dhacaa ama dhibaato ha ahaato ama wax kale ha ahaatee waa inaad dhinaca fiican ka eegtaa.

Aqoonyahan ,(Master holder) ahna qoraa somalilandera (Shaam Cade)
Abdirahmaanho@hotmail.com