Waddamo ciidamo dhoobay xuduudda Gambia digniin iyo hanjabaadna u diray madaxweynaha dalkaasi

0
656

Waddamada ku bohoobay ururka ECOWAS ayaa waqti aa u qabteen oo ahaa ilaa xalay saq-dhexe madaxweynaha doorashada looga guuleystay ee dalka Gambia Yahya Jammeh la dhaafay. Dalalka Senegal iyo Nigeri ayaa ciidamo badda iyo berriga xuduudeed ee dalka Gambia dhoobay ciidan.

Waxa ay waddamadaasi ugu hanjabeen in ay dalka soo galayaan islamarkaana ay xukunka xoog uga tuurayaan.

Balse madaxweyne Jammeh ayaan wali mowqifkiisa waxbo ka badalin, wuxuuna eedayn dusha uga tuuray wadamada ECOWAS.

Waxaa jira diyaargarow meleteri oo ay samaynayaan waddamada galbeedka Africa, waxaana ciidamo la geeyey xudduuda dalkaasi Gambia la wadaago dalka Senegaal. kummanaan qof oo reer Gambia ah iyo ajaaniib dalka dalxiis u joogay ayaa dalka ka qaxaya.

Sidoo kale waxaa jira dedaalo weli ay wadaan madaxda Afrikaanka ah oo la doonayo in Yaxye Jammeh looga dhaadhiciyo in uu xilka wareejiyo.

Doorashadii dalkaasi ka dhacday ayaa waxaa ku guulaystay Adamu Barrow, balse waxaa ku gacan sayray Madaxweyne Yahye Jammeh, waxaana baarlamaanka dalkaasi uu muddo saddex bilood ah ugu daray madaxweyne Jammeh in uu xilka sii hayo.