WADDANI Oo Noqday Xisbigii U Horreeyey Ee Isaga Oo Mucaarad Ah Mar kale Dib U Doorta Murrashax Madaxweyne Ku-xigeenkii Iyo Qaabkii KULMIYE Iyo UCID Uga Guureen Ku-xigeennadii Dhacay

0
275

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani,  ayaa mar kale waxa uu Murrashax Madaxweynaha ee Xisbigaasi u soo xulay Candiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), halka uu mar kale ku sidkan yahay Murrashaxii Jagada Kuxigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi oo ay wada dhaceen doorashadii Madaxtooyada 2017-kii.

Shirkii Golaha Dhexe ee shalay ayaa xubnaha Golaha Dhexe, waxa ay cod aqlabiyad ah ku doortay Murrashax madaxweyne Kuxigeenka, inkasta oo aanay jirin cid la tartantay.

Dib u doorashada Murrashax Madaxweyne kuxigeenka ee Xisbiga Waddani Maxamed Cali, oo ka soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa noqotay mid taariikhi ah, ka dib markii Xisbi Mucaarad ah oo ka mid ah Somaliland uu dib u soo celiyo murrashax u taagnaa jagada Madaxweyne kuxigeenka oo doorasho madaxtooyo, isla dhaceen murrashaxii Madaxweynenimo.

Murrashaxa Madaxweyne Kuxigeenka Waddani Maxamed Cali, markiisii koowaad murrashax Madaxweyne kuxigeen loo doortay 2016-kii, xilligaas oo uu loollan adag kala kulmay Siyaasigii Guddoomiye kuxigeenka Waddani ahaa ee Axmed Muumin Seed, ayaa shalay 30 bish March mar kale loo doortay jagadaasi.

Tallaabadan, Xisbiga Waddani ku soo celiyey Murrashaxan, oo aanay dood badan ka dhalan sababta keentay, ayaa dadka siyaasadda falan-qeeyaa ay tilmaameen in ay tahay mid uu Guddoomiyaha Xisbigaasi u arko in mar kale, isaga iyo kuxigeenkiisa la siiyo fursad kale doorashada Madaxtooyada ee sannadka 2022-ka, madaama oo ay doorashadii hore 40% keeneen codadkii la bixiyey.

Arrinta kale ee keentay soo noqoshada Murrashaxan, ayaa dadka qaarkood aamisan yihiin in haddii dood la geliyo, in ay taasi keeni karo in Murrashax Madaxweynaha laftiisa su’aal laga keeno soo noqoshadiisa, taas oo khilaaf ka dhex abuuri karta Waddani, sidii hore ugu dhacay Kulmiye ka dib doorashadii 2003-dii oo siyaasiyiin Xisbigaasi ka mid ah soo jeediyeen in la beddelo, madaama oo uu guul darro ka soo hooyey doorashadii wakhtigaasi, iyada koox kalena soo jeedisay in wakhti la siiyo, taas oo khilaaf culus gelin gaadhay Xisbigaasi.

Xulashada murrashax Madaxweyne kuxigeenka, ayaa inta badan Xisbiyadu ku saleeyaan istiraatijiyado kala duwan oo salka ku haysan deegaanka Gobolka awdal iyo Beelaha degaa, sida ay u kala taageeraan Xisbiyada.

Qodobka la weydiinayey ee la filayey in Xisbiga Waddani uu ka qiyaas qaadanayo, ayaa ahaa in xulashadiisa Madaxweyne ku-xigeenku ay noqon karto mid la jaan qaadaysa, is beddelka Siyaasaddeed ee ku yimid Gobolka Awdal, taas oo ay keentay ka dib markii Madaxweyne kuxigeenka imika Cabdiraxmaan Saylici oo labadiisii Teeram qaatay in laga saaray Hoggaanka Kulmiye, oo qorshahan Kulmiye bannaanka u saaray mid ka mid ah Beelihii Gobolka Awdal ee taageerada siin jiray Kulmiye, isla markaana Siyaasiga Maxamed Xasan Saajin lagu beddelay, loona badinayo inuu noqon doono murrashax Madaxweyne kuxigeenka ee doorashada 2022-ka, kaas oo ay isku deegaan yihiin murrashaxa Madaxweyne kuxigeenka ee  Waddani ee shalay doortay.

Deegaanka uu ka soo jeedo Saylici, oo aan imika fursad ku haysan Kulmiye iyo Waddani, ayaa waxa dhici karta in ay Is bahaysi siyaasaddeed la galaan Xisbiga UCID, oo siin kara jagada Murrashax Madaxweyne kuxigeenka, haddii aan la siinba ka Murrashax Madaxweynaha.

Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayey Murrashaxiin u soo xuleen tan iyo Doorashadii Madaxtooyada ee 2003 – 2017

Kulmiye, waxa uu doorashadii u horreysay ee madaxtooyada Murrashax Madaxweyne kuxigeen u noqday Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, kuwaas oo ay la tartameen Cabdillaahi Xasan  Buuni iyo Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, Alle ha u naxariisto labadoodaba.

Xisbiga kulmiye mar kale, isaga oo ka duulaya qorshihiisa siyaasaddeed ee Gobolka awdal uu beddelay, waxaanu dejiyey qorshe uu ku keenayo murrashax madaxweyne kuxigeen oo aanay isku deegaan hoose ahayn Murrashaxii Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu keenay Cabdiraxmaan Saylici, oo ka soo jeeday mid ka mid ah Beelaha Awdal oo iyagu taageero u ahaa Kulmiye, kuwaas oo weliba Qurba joogoodu dhaqaale badan geliyey Kulmiye.

Qorshahaasi kulmiye-na wuu guuleystay oo waxa Xisbigu ku guuleystay doorashadii 2010-kii.

Mar kale Kulmiye, waxa uu dejiyey qorshe cusub oo uu ku doorayo inuu taageero badan kaga helo Gobolka awdal, isaga oo doonaya inuu soo sharaxo Siyaasi Saajin oo ah Wasiirka Ganacsiga iyo Guddoomiye kuxigeenka Afraad ee Kulmiye.

Xisbiga UCID, waxa uu isaguna  jagada Madaxweyne kuxigeenka u soo sharaxay doorashadii u horreysay ee Axmed Cabdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here