Wafti U Hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland oo Si Balaadhan loogu soo dhaweeyay dalka Baxrayn + SAWIRRO

0
371

Wafti U Hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland oo Si Balaadhan loogu soo dhaweeyay dalka Baxrayn + SAWIRRO

MANAMA, Bahrain  (WSN) — Jaaliyada Somaliland ee dalka Baxrayn ayaa si heer sare ah u soo dhaweeyay Wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo, Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Mudane Mohamed Adan Ibrahim ‘Qabyo- tire’’  xubnana ay ka yihin Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Mudane, Xasan Daahir iyo Wasiir ku xigeenka  wasaarada madaxtooyada, Axmed Xaashi Cabdi oo socdaal shaqo u tagay dalka Baxrayn.

Weftiga oo baryahan socdaal ku marayay dalalka qaliijka Carabta, Kuwaasoo Ujeedada safarkoodu ahayd  Gurmadka Abaaraha , Waftigan oo markii ay soo gaadheen Boqortooyada dalka Baxrayn ayaa kulamo kala duwan la qaatay Masuuliyiin ka tirsan dawlada baxrayn iyaga oo xukuumadda  Boqortooyada dalka Baxrayn uga waramay xaalada abaareed eek a jirta Somaliland iyo sidii ay  Boqortooyada Baxrayn gacan uga geysan lahayd Abaaraha ka jira Somaliland, gaar ahaan deegaanada Bariga Somaliland oo waqtigan ay si daran u saameeyeen abaaruhu.

Geesta kale Waftiga ayaa kulamo la yeeshay Jaaliyada Somaliland ee dalka Baxrayn ugana warbixiyay xaalada abaareed ee dalka iyo ta siyaasadeedba.

Weftiga oo Jaaliyada ka codsaday inay iyaguna qaybtooda ka qadtan sidii taageero loogu fidin lahaa dadka abaaruhu saameeyeen, waxayna Jaaliyada Somaliland ee dalka Baxrayn xuseen  in door muuqda ay ka geysanayaan gacan siinta bulshada ay abaaruhu ku dhufteen.

Waftigan oo ah kii ugu ballaadhnaa ee ka tirsan xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo ee booqda Boqortooyada dalka Baxrayn ayaa fure u noqon kar xidhdiidh wanaagsan oo labada dal yeeshan.