Waftigii Madaxweyne Ku xigeenka Oo Si Meeqaam Sare ah Loogu Qaabilay Imaaraadka

0
390

Waftigii Madaxweyne Ku xigeenka Oo Si Meeqaam Sare ah Loogu Qaabilay Imaaraadka

Hargaysa (WSN) Waftigii madaxwayne ku xigeenku Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaacil (Saylici) hogaaminayay oo isla markii ay ka degeen gagida diyaaradaha ee Dubai si heer sare ah loogu soo dhoweeyay

Waxa halkaa ka galbiyey kolonyo baabuur ahoo loo sii diyaariyey una ambabixiyey xarunta Madaxtooyada looga taliyo dalka isutaga imaaraadka ee Abudhabi waxaana, isla geli kii danbe ku qaabilay xarunta madaxtooyada Wasiirka madaxtooyada Sheekh Mansuur binu Zayed Aala Nahyaan iyo xubno golaha wasiirada ah. Waxaana laga wada hadlay Arimaha abaarta iyo xoojinta iskaashiga labada dal oo si qoto dheer loo lafa guray wax badana la isla meel dhigay.

Waftiga ayaa la filalayaa in ay maalinta biri ah gudo gali noonaan qaybaha kale ee kulamada ay ku dardar galinayaan shaqooyinkii ay u tageen halkaasi.