Wakiilka Maraykanka Ee Somaliland Amb. Rashiid Gaaruf Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyey Masuuliyiin Iyo Waxgarad Ka Soo Jeeda Gobolka Sool

0
413

Wakiilka Maraykanka Ee Somaliland Amb. Rashiid Gaaruf Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyey Masuuliyiin Iyo Waxgarad Ka Soo Jeeda Gobolka Sool

 

Hargeysa (Warsugan)- Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Maraykanka Amb. Rashiid Nuur Gaaruf ayaa hadhimo sharafeed u sameeyey Odayaal, Xildhibaano Masuuliyiin tiro badan oo ay ka mid yihiin Maxamed Cali Caateeye oo hore Xilal wasiirnimo uga soo qabtay Somaliland.

Hadhimo sharafeedkan oo ay ku wehelinayeen Ambassador ka Gudoomiyaha ahana musharax xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Nabadaynta Gobolada Bari,  Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab), La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Golayaasha, Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye, Maareeyaha Dekeda Berbera, Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), Agaasimaha Warfaafinta Maxamed Aadan Cilmi (Ilka-case). Xildhibaano, Odayaal, iyo waxgarad  ka soo jeeda Sool.

Ujeeddada Kulankan qadada ah ayaa ahayd mid lagu xoojinaayey isku-xidhnaanta iyo walaaltinimada bulshada dhexdeeda. waxa xusid mudan oo xafladaasi joogay Wasiir hore xilalka wasiirnimo ee Macdanta iyo Gacansiga u soo qabtay wakhtigii Marxuum Cabdiraxmaan Tuur iyo Marxuum Cigaal, hadana ka mida odayaasha ama Siyaasiyiinta waayo araga ah ee dalka ku sugan.

waxaana halkaasi ka hadlay Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo u mahadnaqay Safiirka kuna hambalyeeyey sida uu ugu martiqaaday goobtan ay ku kulmeen Waxgaradka, Odayaasha iyo Masuuliyiinta qiimaha badan. waxa isna halkaa ka hadlay oo hadalo mahadnaqa u jeediyey safiirka, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Odayaashii ku sugnaa goobta qaar ka mida, kulankan oo ka qabsoomay Hotel-ka LAKE ASAL ee Hargeysa.

12438837_10153896577956834_1092590028_o 12449760_10153896577421834_1030116834_o 12458561_10153896577711834_1382114692_o 12465190_10153896577826834_1333961483_o 12465428_10153896577261834_1197347451_o