War Deg Deg Ah:-Fanaanka Cabdinaasir Macalin Caydiid Oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigay Cusbitaalka Hargeysa

0
423

-Fanaankii Waynii Ee Cabdinaasir Macalin Caydiid ayaa goor dhawayd xaalad caafimaad loo soo dhigay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.
Cabdinaasir Macalin Caydiid ayaa ka mid ah fanaaniinta waa weyn ee caanka ku ah dhinaca laxanka iyo tumida Giitaarkaqaar ka mid ah dadkii fanaanka soo dhigay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in fanaanku afartii cisho ee u dambeeyey ku xanuusanayey gurigiisa magaalada Hargeysa, balse haatan la go,aansaday in xaaladiisa caafimaad lagula tacaalo cusbitaalka guud.