War deg-deg ah: waxa hada gacanta lagu dhigay Kooxdii Dilka u geysatay Taliyihii Qaybta Booliska Berbera Casayr.

0
398

War deg-deg ah: waxa hada gacanta lagu dhigay Kooxdii Dilka u geysatay Taliyihii Qabta Booliska Berbera Casayr.

Berbera(Warsugannews) Warar rasmiya oo aanu hada ka helnay laamaha amniga ayaa noo xaqiijiyey in gacanta lagu dhigay qaar ka mida Kooxdii dilka geysatay ka dib weerar iyo iska hor imaad dhex maray ciidamada sida gaarka ah u tababar ee Somaliland iyo Kooxdii maleeshiyada ahayd ee geysatay Dilkii taliyaha booliska ee gobolka saaxil Marxuum Cabdirisaaq Maxamuud Casayr. hawlgalkan oo ka dhacay buuraha deegaanka suuqsade

Wararka ayaa intaas ku daray in ay baxsadeen saddex ka mida dablaydaasi balse lagu dabajiro hada, iyadoo qasaaraha labada dhinacna ilaa hada la hubo uun hal qof oo dhaawac ah balse aanan helin dhinaca uu ka tirsan yahay

wixii dheeriya ee ka soo baxa wararkaasi ayaanu si degdeg ah idinla socodsiindoonaa kolba. iyadoo la filayo in saacadaha soo socda ay ka hadlaan madaxda dawlada.

Hoyga warqabadka ee warsugannews ku xidhnaw si aad u hesho warar la hubo oo xaqiiqada ku saabsan