War degdeg ah: Madaxweynaha Somaliland Oo Wasaaradda Cadaalada Ka Wareejiyey Waaxda Garsoorka, Miisaaniyada, Shaqaalaha iyo Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo Adeegayayaasha ka hawl gala Maxkamadaha Hoose ee Dalka oo si toosa Uga Mid ahaan doona Maxkamada sare

0
776

War degdeg ah: Madaxweynaha Somaliland Oo Wasaaradda Cadaalada Ka Wareejiyey Waaxda Garsoorka, Miisaaniyada, Shaqaalaha iyo Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo Adeegayayaasha ka hawl gala Maxkamadaha Hoose ee Dalka oo si toosa Uga Mid ahaan doona Maxkamada sare

Hargeysa(WSN)WAR-SAXAAFADEED:15/01/2017-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/WM/222-4481/012017 uu Wasaaradda Cadaaladda kaga wareejiyey Maamulka Shaqaalaha iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose, Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo Adeegayayaasha ka hawl gala Maxkamadaha Hoose ee Dalka kuna wareejiyey Maxkamadda Sare ee JSL, Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka. magaca Wasaraaduna uu noqon-doono “Wasaarada Cadaaladda JSL”, sida uu dhigayo Qodobka 106aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

Wareegtada Madaxweynaha JSL:

Ku: Wasiirka Wasaaradda Cadaalada
Ku: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda
Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Og: Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Og: Xubnaha Guddida Cadaaladda
Og: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada

Ujeeddo: Wareegto Madaxwayne Wareejinta Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose
¬¬
Mudanayaal iyo Marwo,

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobbada 37aad, 97aad, 99aad, 106aad, 107aad iyo 108aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka Xeer Lr. 24/2003;

Markaan Arkay: Qodobka 97aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo dhigaya in Waaxda Garsoorku ay hawlaheeda u fuliso si waafaqsan Dastuurka, iyada oo ka madax-bannaan Waaxaha kale ee Qaranka;

Markaan Arkay: Qoraalka summadiisu tahay MS/GMS/G-7/69/2016 ee ku taariikhaysan 27/01/2016, ujeeddadiisuna ahayd codsi ka soo wareejin Wasaaradda Cadaaladda Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose, qoraalkaas oo ka soo baxay Xafiiska Guddida Cadaaladda 27/01/2016;

Markaan Arkay: Qoraalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ee summadiisu tahay MS/GMJ/G-18/27/2016, ee ku taariikhaysan 21/02/2016, ujeeddadiisuna ahayd in lagu soo wareejiyo Maxkamadda Sare ee JSL Maamulka iyo Miisaniyada Maxkamadaha Hoose;

Markaan Ogaaday: In Wasaaradda Cadaaladdu ay Miisaniyadda Maxkamadaha Hoose ku maamuleysey Digreeto Madaxweyne Lr. 47/1996 kaas oo ka horreeyay Dhaqan-gelkii Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee summadiisu tahay TIX/XGGQ/X/H/138/2016, kuna taariikhaysan 20/12/2016, ujeeddadiisuna ahayd Talo-bixin Sharci ee Maamulka Maaliyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka;

Markaan Tix-geliyey: Qoraalka ka soo baxay dhammaanaba Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Rafcaanada Gobollada Dalka, kuwaas oo ku caddeeyey qoraalaadaasi tabasho ay ka qabaan Maamulka iyo Miisaniyadda Maxkmadaha Hoose ee ay Wasaaradda Cadaaladdu gacanta ku hayso;

Waxaan soo saaray;

1. In laga bilaabo Sannad Miisaaniyadeedka 2017-ka, waxaa Wasaaradda Cadaaladda laga soo wareejiyey Maamulka iyo Miisanayada Maxkamadaha Hoose ee Dalka.

2. In lagu wareejiyo Maxkamadda Sare ee JSL Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka, si loo kala madax bannaaneeyo Waaxaha Qaranka, sida ay dhigayaan Qodobka 37aad, Faqraddiisa 2aad iyo Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo Adeegayayaasha ka hawl gala Maxkamadaha Hoose ee Dalka, la hoos geeyo Maxkamadda Sare, nidaamka shaqaalayntoodana iyada oo loo raacayo Qodobka 108aad, Faqraddiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka ee Xeer Lr. 24/2003.

4. In magaca Wasaraaduna uu noqdo “Wasaarada Cadaaladda JSL”, sida uu dhigayo Qodobka 106aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

Haddaba, waxaan farayaa Wasiirka Wasaarada Cadaaladda in uu si dhamaystiran ugu Wareejiyo Maxkamadda Sare Maamulka Shaqaalaha iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka.

Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’addaha kale ee ay khusayso in ay dhaqan geliyaan Wareegtadan, isla markaana ay ka gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Hargeysa/Somaliland/Office
Warsugannews.com