War degdeg ah: Madaxweyne Silaanyo oo u Magacaabay Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeed

0
364

War degdeg ah: Madaxweyne Silaanyo oo u Magacaabay Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeed
WAR-SAXAAFADEED: – 18/01/2017
Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4495/012017 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Hargeysa/Somaliland/Office

Warsugannews.com