War degdeg ah Qaraxyo isku xiga oo hada ka dhacay Muqdisho

0
576

Muqdisho (wsn)Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhimataay dad kale oo badan ayaana ku dhaawacmay labo qarax oo gawaari loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Muqdisho sida ay goobjoogeyaaal sheegeen.
Mid ka mid ah labada qarax ayaa lagu bartilmaameedsaday bar kontorool oo u dhaw saldhigga AMISOM ee Xalane.
Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay bannaanka huteelka Peace Hotel oo sanadkii 2016 martigaliyay shirkii madaxda Urur Goboleedka IGAD.

wararka danbe ee dheeraadka ah kala soco warsugan