War degdeg ah: Waxa Caawa Gudaha Laascaanood lagu dilay Nin hore loola xidhiidhinayey Kooxda Al-shabaab

0
390

War degdeg ah: Waxa Caawa Gudaha Laascaanood lagu dilay Nin hore loola xidhiidhinayey Kooxda Al-shabaab

Laascaanood(Warsugannews) waxa caawa dil toogasho ah lagu dilay Marxuum ay walaalo ruma yihiin xildhibaan Dhakool oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, marxuumkaas oo hore loogu xidhiidhin jiray inuu ka mid ahaa dhawaana uu ka soo laabtay kooxda Al-shabaab balse cafis ku joogay gudaha Laascaanood ayaa caawa koox dablay ahi toogasho ku dishay, waxaana loo malaynayaa in ay ka daba yimaadeen kooxdii uu ka soo goostay ee Al-shabaab, in tasta oo aanay jirin warar rasmi ah oo ka soo baxay laamaha dawlada ee gobolka sool.

Inkasta oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino hadana noomay suurogelin in aanu helno saraakiisha booliska, haseyeeshe waxay dabagal ku hayeen sidii loo soo qabqaban lahaa dablaydaasi oo waxa aad magaalada gudeheeda ka dareemaysaa dhaq-dhaqaaq xoogan oo ay laamaha amnigu ka wadaan gudaha iyo agagaarka magaalada caawa.
kala soco shebekeda warsugan wararka ka soo kordha dilkaasi