War hada na soo gaadhay Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay Gudi Heer Qaran ah

0
297

WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: – 13/02/2016

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/MG/083-3825/022016 ku Magacaabay Gudi heer qaran ah oo u xilsaaran Abaaraha dalka ka jira, gudidaas oo uu Gudoomiye u noqon doona Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Xubnaha Gudida Madaxweynuhu Magacaabay.

Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed
Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Marwo Samsam Cabdi Aadan
Ku: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah
Dr. Muuse Qaasim Cumar
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami
Ku: Xog-hayaha Golaha Wasiirrada
Mudane Sharmarke Axmed Muxumed
Ku: Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga
Muddane Maxamed Shukri Jaamac
Ku: Mudane, Farxaan Liibaan Axmed

Ku: Mudane, Maxamed Cali Maxamed

Ku: Mudane, Cabdiraxmaan Faarax Xarbi

Ku: Mudane, Cabdi-wahaab Maax Maxamed

Ku: Mudane, Cabdiraxmaan Cali Cabdi

Ku: Sheekh, Ciise Maxamuud Cabdillaahi

Ku: Sheekh, Cawil Faatax Shire

Ku: Sheekh, Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Sheekh Cabdi

Ku: Sheekh, Maxamed Aadan Muxumed

Ku: Sheekh, Xasan Cabdi-salaan Sheekh Cali

Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, waxa dalka ka jira abaaro ba’an oo waxyeelo u gaystay xoolihii, daaqii iyo dadkiiba. Sidaas darteed, waxa daruuri ah in gurmad bini’aadanimo oo degdeg ah la gaadhsiiyo Bulshada Somaliland ee ay abaaruhu sameeyeen.

Haddaba, waxaan idiin magacaabay inaad noqotaan Guddida u xilsaaran isku-dubarididda qaadhaan uruurinta dadweynaha iyo qorshaynta kaalmada la gaadhsiinayo dadkaas tabaalaysan, waxaana Guddoomiye idiin noqon doona Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan idinka rajaynayaa in aad hawshaas xil mug leh iska saari doontaan.

ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)