WAR-MURTIYEED: Kal-fadhiga 31aad Golaha Sare ee Dallada SONYO‏

0
299

WAR-MURTIYEED:

Kal-fadhiga 31aad Golaha Sare ee Dallada SONYO

Golaha Sare ee Dallada SONYO waxa uu maanta oo taariikhdu tahay 10kii

October, 2015 Kal-fadhigiisii 31aad ee caadiga ahaa kusoo gebo-gebeeyay

Magaalo-madaxda Gobolka Awdal ee Borama.

Goluhu isagoo ku faraxsan sida quruxda iyo qaayaha badan ee Kulankiisii ugu

soo gebo-geboobay waxa uu guddoonsaday qoddobo badan, kuwaasoo

dhammaantood ku aroora horumarinta Dhallinyaradda JSL; iskaashiga iyo

midnimada dhammaan daneeyeyaasha ku hawlan ama ka shaqeeya arrimaha

dhallinyaradda; iyo sidoo kale, kor-u-qaadista tayada iyo waxqabadka

xubnaha bahweynta Dallada SONYO.

Ka dib falanqayn; faaqidaad iyo gorfeyn dhinac kasta ah, waxa uu Kal-fadhiga

31aad ee Goluhu isla qaatay qoddobadan soo socda:

1. Goluhu wuxuu hambalyo iyo bogaadin balaadhan u dirayaa Dhammaan

hay’adihii ka qaybqaatay Tartanka Cayaaraha Gobolada JSL; waxa kale oo

uu bogaadinayaa doorka shariifka ah ee Wasaaradda Dhallinyaradda,

Ciyaaraha iyo Dalxiiska, xukuumada, Shirkadaha Ganacsiga iyo Maamulada

Heer Gobol iyo Degmo ee Gobolada JSL. Waxa kale oo uu Goluhu

amaanayaa kaalinta ay hawshaas qaran ka qaateen magaalooyinka Borama

iyo Burco oo iyagu marti-galiyey Ciyaaraha Tartanka.

2. Goluhu waxa uu ugu baaqayaa isla markaana kula dardaarmayaa

dhammaan kooxaha tartanka Cayaaraha gobolada ka qaybqaadanaya inay

dhawraan isla markaana ilaaliyaan amniga, kala-dambeyna, xasiloonida iyo

hab-sami-u-socodka tartanka si loo gaadho himilada guud ee tartanka oo ah

jihaynta iyo hawl-galinta xooga cuddoon ee da’yarta iyo kor-u-qaadista is-

dhex-galka iyo wax-wada-qabsiga dhallinyaradda JSL oo iyagu ah inta ugu

badan dadweynaha JSL.

3. Golaha Sare ee Dallada SONYO, isagoo tixgalinaya isla markaana muhiimad

balaadhan siinaya midnimada, wada-jirka iyo horu-socodka guud ahaan

bahweynta Dallada SONYO, waxa uu ku baaqayaa in laga wada-shaqeeyo

loona midoobo sidii loo hirgalin lahaa heshiiskii lagu xaliyay khilaafaadkii

dhowaan dallada soo galay, isla markaana loo suurto-galin lahaa jawi

xasiloon oo ku haboon koboca iyo koriinka Dallada SONYO.

4. Goluhu waxa uu ugu baaqayaa Xukuumada JSL iyo daneeyeyaasha kale ee

Arrimaha Dhallinyaradda sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha muuqda ee

dhallinyaradda Somaliland haysta iyo duruufaha ay la nool yihiin, gaar

ahaan kuwa gobolada barri. Goluhu wuxuu ku talinayaa in Miisaaniyada

Qaranku tixgalin balaadhan siiso wax-ka-qabashada baahiyaha

dhallinyaradda.

5. Goluhu waxa uu ku baaqayaa in gacmaha la isu-qabsado loona midoobo

sidii uu u hirgali lahaa hanaan doorasho oo haboon isla markaana loo fulin

lahaa dhammaan qorsheyaasha badhi-taageeraya geedi-socod

dimoqraadiyadeed oo wax-ku-ool oo laga dheehan karo dhammaan danaha

bulsho-weynta JSL sida dhallinyaradda, haweenka iyo bulshada u baahan in

la awoodeeyo.

6. Goluhu waxa uu ugu baaqayaa dhammaan maal-geliyeyaasha iyo qaadhaan-

bixiyeyaasha arrimaha horumarinta JSL daneeya inay kordhiyaan korna u

qaadaan taageerada ay siiyaan JSL isla markaana ay diirada saaraan sidii

Somaliland looga dhisi lahaa dhinacyada shaqo-abuurka, isku-filnaanshaha,

kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta ururada bulshada rayidka ah.

Mr. Siyad Cumar Cali

Guddoomiyaha Dallada SONYO

Kal-fadhiga 31aad ee Golaha Sare ee SONYO

Borama, Awdal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here