War saxaafadeed : Wasaarada Duulista Hawada Oo kulan Layeelatay Madaxda Shirkada FLY DUBAI

0
440

War saxaafadeed : Wasaarada Duulista Hawada Oo kulan Layeelatay Madaxda Shirkada FLY DUBAI

Hargeysa(WSN)Dubai 05 09 2016 Wafti uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka JSL Mudane Axmed Nuur Faahiye oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cumar Sayid C/lahi Aadan oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Dubai ayaa kulan rasmiya la yeesha madaxda Shirkada FLY DUBAI oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Shirkaas MR Sudhiir Serederen ( Senior Vice president- ) Kuna wehilinayeen kulanka Madaxa Madaarada u qaabilksan Shirkada MR Lukasz Skorupa, iyo Wakiilka Shirkada FlY Dubai ee Wadanka Somaliland Cumar Siciid Ducaale.
Kulankaas oo ku qabsoomay Xarunta shirkada fly Dubai ayaa labada dhinac kaga wada hadleen xidhiidhka ka dhaxeeya shirkada iyo Wasaarada Duulista Hawada sidii loo sii xoojin lahaaa.
14256277_10154033688877572_1904570365_n
Ugu horayn shirkada FLY dubai ayaa si wayn uga mahad celisay Wasaarada Duulista Hawada mudadii ay ka hawl galaysay Madaarka Caasimada hargaysa ee EGAL international Airport, sidii fiicnayd ee ay ula shaqaysay una garab istaagtay.
Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka JSL waxay balan qaaday inay kor u sii qaadi doonto xidhiidhka wada shaqayneed iyo adeega ay u fidiso shirkadan iyo shirkadaha kaleba ee ka hawl gala Madaarada JSL.
Sidoo kale shirkada Fly Dubai waxay balan qaaday inay Wasaarada gacan ka siin doonto sidii kor loogu qaadi lahaa heerka tababar, amni iyo adeeg ee Madaarada JSL, gaar ahaana Mladaarka Caasimada.
Ugu dambayntii kulankan ayaa ku soo gababoobay guul iyo isfaham buuxa oo labada dhinac ay ka yeesheen dhamaan qodobadii laga wada hadlay.

14194226_10154033689692572_459385890_n
Allaa Mahad Leh
Ismaaciil Cali Axmed
Afhayeenka Wasaarada Duulista
Hawada iyo Gaadiidka Cirka