Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax saakay ka dhacay xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho

0
534

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in qarax lagu soo xiray mid kamid gaadiidka ay isticmaasho Hay’ada UNDP ee magaalada Muqdisho, kaas oo goordhaw ku dhax qarxay garaash ku dhax yaala xarunta Hay’adaasi oo kutaala agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.Gaari ayaa la sheegay in uu kasoo baxay Garaash ku yaala meel u dhow xarunta Hay’adda UNDP-da, islamarkaana uu Qarxay Markii uu gudaha usoo galay xarunta Hay’adda .

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in gaariga oo ahaa nuuca loo yaqaan Hilux ama Qooqan ayaa lagu soo xiray qaraxa, waxaana gaariga xalay uu ku hoyday garaash ku yaala agagarka isgoyska KM-4, iyadoona isla xalay qaraxaasi lagu xiray.

Inta la ogyahay afar kamid ah ciidamada ilaalada ee xarunta UNDP ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, waxaana hada socda howlgalo lagu baarayo waxa uu ahaa qaraxaasi iyo cida fududeysay in gaarigaasi qarax lagu xiro.