Wararka Maanta ee Wargeyska Warsugan Media Group

0
953

Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Qoddobo Ka Fuli La’a Dawladda Soomaaliya Iyo Kulanka Oo  Weji Kale Yeeshay

“Somaliland Iyo Soomaaliya 30-sannadood-buu Khilaafkoodu Soo Jiitamayey…”Wasiir Fartoon

Jabuuti, 16 June 2020 (Warsugan)-Xukuumada Somaliland ayaa shalay war kale ka soo saartay wadahadalada ka socda dalka Jabuuti, xili la rumeysan yahay in lagu kala kacay qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirkaasi.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon oo wareysi siiyay idaacada VOA-da ee laanteeda Afka Soomaaliga ayaa si cad u soo bandhigay dhowr qodob oo lagu heshiiyay wada-hadaladii hore, balse aan weli fulin.

Wasiirka ayaa sheegay in hore loogu heshiiyay in gebi ahaanba la joojiyey hadalka xanafta leh ee warbaahinta isku mariyaan madaxda labada dhinac, iyada oo xiligan arrimahaasi ay mararka qaar sarre u sii kiciyaan xiisada labadda dhinac.

Qodobada Somaliland ay ku doodeyso inaysan weli fulin dowladda federaalku ayaa ku qotoma kuwo la xidhiidha deeqaha caalamka in si madax-banaan loo siiyo Somaliland, oo aan loo soo marin dowladda federaalka oo iyadu sii gaadhsiisa deeqaha beesha caalamka maamul goboleedyada dalka.

Faratoon ayaa sidoo kale si cad u sheegay in dowladda federaalka ay hore u gala heshiiyeen in si wada-jir ah loo maamulo hawada Soomaaliya, isla markaana si isku mid ah loo qeybsado lacagaha ka soo baxa, midaasi oo aysan weli fulin dowladda Farmaajo”Ujeedda shirku waxa weeye Somaliland iyo Soomaaliya oo arrimo khilaaf ah isu-maandhaafsan ayaa muddo 30-sannood ah soo jiitamayey. waxyaabihii laga waddahadalay in badan oo ka mid ahi may hirgelin. Iyaddoo Somaliland rabto inay Somalia ka madax-bannaanto oo ay noqdaan labba dal oo jar ah oo walaalo ah…”Ayuu yidhi Wasiir Fartoon

Wasiirka ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday inuu wax faah-faahina ka bixiyo waxyaabaha laga yeelayo qodobadaasi uu sheegay inay ka fuli waayeen dowladda federaalka, balse uu xaqiijiyay in labada dhinac ay weli isku hor-fadhiyaan kulamo.

Somaliland ayaa ku doodeysa in fulin la’aanta qodobadaasi ee hore loogu heshiiyay ay sii fogeynayaan is aaminada labada dhinac, taasi oo meesha ka saareysa kalsoonida lagu qabi karo wada-hadalo midho dhala.

Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee shalay ka furmay dalka Jabuuti ayaa weli socda, iyada oo wajigii labaad ee kulankaasi uu maanta ka furmay dalkaasi, waxaana la filayaa in war-murtiyeed rasmi ah laga soo saaro kulamadaasi.

Dhiiranaantii Biixi + Tawaawacii Farmaajo Iyo Amakaagii Wufuud Iyo Dhool Ka Qosolkii  Geelle

“Khasab Maaha In Maanta Wax Walba Leysla Afgarto, Laakiin Jabuuti Waxaannu La Nimi Run…..”Madaxweyne Muuse Biixi

 

Jabuuti, 16 June 2020 (Warsugan)-Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay shirka Jabbuuti oo galay maalintii labaad ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhibtii dhacday wax lagu xalin karo in la gaadho.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay iyada oo aragtiyaha lagu kala duwan yahay in Jabuuti loo yimid dad is khilaafsan oo kala fogi in ay xal gaadhaan.

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Marka hore ILLAAHEY ayaa mahad iska leh, marka labaadna waxaa mahad iska leh madaxweynaha Jabuuti, shacabka Jabuuti iyo dalka Jabuuti, oo sodonkii sano ee Soomaali burbursaneyd intaasi la daba joogay caqli, waxtar, iyo dareenka walaaltinimo tanina tii uunbay ka mid tahay ILLAAHEYba ka jasaa’id siin doona.

Qofkasta oo Af Soomaali ku hadlaaba meelkasta ha jooge shirkani lug ayuu ku leeyahay, Professor, Geeljire, mid beer qodaaya, qofkasta waa uu faalaynaya oo waa la ina soo eegaya, waxaa la inaga rabba wax dhibaatadii jirtay wax ka xalin kara in aynu wax ka gaadhno, araggtiyuhu waa ay kala duwan yihiin balse halkani waxaa loo yimid dad is khilaafsan oo kala fog in ay gaadhaan xal, ay isku afgartaan, dad saaxiibo ah leysuguma yeedhinn ee dad kala fog ayaa leysugu yeedhay oo la doonayo dantuna ku khasbeyso inay si waaqiciya oo runa u helaan xalkana u wadda gaadhaan, taasi ayaa ina saaran qof walibana ha dadaalo, hadalkana hadii aan runta laga sheegin murug ayuu gala, run hala isu sheego wixii la tabanaya si adag ha looga wada hadlo, wixii la wada goosto ee lagu heshiiyana run halaga dhigo ooh ala wada rumeeyo”

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa uu su’aalo mihiima shirkiisa jaraa’id ku weydiiyay guddida farsamo ee labada dhan ee qaabilsan wajiga labaad ee wada hadalada “Xagayaga waxaa aanu halkani la nimid run, wixii aanu dhibaato u aragnana in aanu sheegno, wixii dan inoo wada ah maaha danta Somaliland oo kaliya maanta Soomaali qodobkee u dana ee aanu ka fursanweynayna waa aanu la nimid, walaalahayana waxaa aanu ugu sheegayna si walaaltinimo ah, iyaguna sidoo kale, waxaa aanu diyaar u nahay in aanu dhageysano rayiga naga duwan, kaayaga ka ka fog in aanu dhageysano oo aanu dulqaadkeeda yeelano oo rog rognaabaanu u nimid, idinkana sidaasi iyo si la mida ayaanu idinka dooneynaa, shalay waxaa ay aheyd madaxweyneyaashii ayaa shiray oo la dhageysanayay, masuuliyadii waala soo wareejiyay, guddidan wasiirada ah ayaa lagu soo wareejiyay anagu tilmaantayadii waan nidhi waar hala wada heshiiyo, waar wax hala is la afgarto, maanta waxaa la soo eegaya guddida farsamo, ee halkani ku hadhay inay keento xal waar maxaa inoo dana? Khasab maaha in maanta wax walba leysla afgarta, halkee ugu fudud ee aynu ku heshiin karnaa, maxaa ugu dhaw ee aynu kuwada heshiin kareynaa? Maxaa dag? Anagu xagayagan hadii aanu nahay ilaa xalay maanan kala seexan, maxaynu dulqaadana? Halkeynu ka goynaa? Maxaynu ku talina shirkani inuu guuleysto? Inaynu wada guuleysano, aad iyo aad iyo aad ayaanu u wada hadaley waxaa inoo dana shirkaasi iyo umadda ina sugeysa maxaa lagu guuleysan karraa? Inteeba imika isu dhaw ee laga heshiin karaa, inteeba adag? Maxaa la qaadi karaa? Idinkuna nala mid ayaad tihiin uunbaan u maleynayaa dee xil ayaa idin saaran maanta,waxaasi oo umad ahina waa ay idin sugeysa anaguna idinka ayaanu halkaasi idiin fadhina”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland ayaa tilmaamay maamuuska walaaltinimo ee ku xeeran“Labaatan sano kahor maanta oo kale, dib u curashada Qaranka cusub ee Soomaaliya waxaa lagu yegleelay halkan Carta ee Jabuuti oo uu hoggaamiye u ahaa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaas oo martigaliyey shirkii dib u heshiisiinta ugu weynaa ee Soomaali loo qabto kaas oo dhabbaha u xaaray dowladihii is xig xigay ee Soomaaliya, maanta, dhab ahaantii waxaa qormeysa taariikh kale.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay garbaha ka fadhiyaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Raiisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo heer Qaran ah ayaa la wadaagay Madaxdii kulanka ka soo qeyb gashay“Halkan waxaan maanta u joognaa in aan furno wadahallada taariikhiga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo mudada dheer la sugayey si aan uga xaajoonno mid ka mida qodobada udub dhexaadka u ah si loo gaaro nabad waarta iyo barwaaqo ay helaan bulshadeenna.”

 

Xukuumadda Somaliland Oo Si Quudhsi Ah Uga Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Puntland

Hargeysa, 16 June 2020 (Warsugan)-Somaliland ayaa ka jawaabtay hadalkii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo ahaa in ka Puntland ahaan aysan aqoonsan doonin waxii kasoo baxa shirka dowladda federaalka iyo Somaliland uga socda dalka Jabuuti.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan oo u waramay TV-ga Horn Cable ayaa sheegay in hadalka madaxweyne Deni uusan khuseyn Somaliland, isla markaana uu muujinayo is bar-bar yaaca ka jira Soomaaliya.

“Anagu Soomaaliya halbaan u naqaanaa, cida aan la xariirnana waa dowladda uu fadhigeedu yahay Muqdisho, hadalkaasna waxa uu muujinayaa kala daadsanaanta dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Liibaan.

Asaga oo sii hadlayey ayuu sheegay in hadalka madaxweynaha Puntland uu ku jeeday dowladda federaalka Soomaaliya, balse aysan jirin wax ka dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in wadahadallada ka dhacay dalka Jabuuti ay Somaliland u ahaayeen fursad dahabi ah, isla markaana ay suurta galeen shuruudihii ay wadatay Somaliland ee ahaa in laba dal loo wadahadlo iyo madal furan oo beesha caalamku goobjoog ka tahay lagu wadahadlo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 46-aad ee baarlamanka ayaa sheegay in Puntland aysan aqoonsan doonin natiija kasta oo ka soo baxda wada-hadalka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga socda waddanka Jabuuti, maadaama sida uu sheegay aan door laga siin Puntland.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in aysan ku qanci doonin natiija kasta oo ka soo baxda shirka jabuuti, maadaama aan shirkaas lagu casumin Puntland“Waxaan cadaynaynaa in aannan marna ogalaan doonin natiijada ka soo baxda wadahadal kasta oo lala galayo Soomaliland ee Puntland aysan qayb ka ahayn, Puntland waxaa kala dhexeeya maamulka Soomaaliland khilaaf dhuleed taaso u baahan in aan ka gaadhno xal waara, si looga fogaado collaad jiitanta oo dhiig badan ku daato ” ayuu yidhi; Madaxweyne Deni.

Somaliland: Golaha Wakiilada Oo La Isugu Yeedhay Fadhi Aan Caadi Ahayn

Hargeysa, 16 June 2020 (Warsugan)-Xildhibaannada Golaha Wakiillada  Somaliland ayaa la isagu yeedhay Fadhi aan Caadi ahayn. Warqad uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayuu ku sheegay in fadhigaa lagu ansixin doono arrimo muhiim ah.

Qoraal uu ku saxeexanyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa u dhignaa siddan hoos ku qoran:-

“In maalinta sabtida ee taariikhdu tahay 20/06/2020 mudaneyaasha Golaha wakiiladdu isugu yimadaan fadhi aan caadi ahayn kaasi oo lagu go’aamin doonno arrimo muhiim ah.

Sida darteed waxa la idiinku adkaynaa in aad waqtiga dhowrtaan soo na xaadirtaan saacaddu markay tahay 9:00 subaxnimo, maalinta sabtida.

Alla Mahad Leh

Baashe Maxamed Faarax

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here