Wararka Wargeyska Warsugan Media Group ee Maanta Oo Axad Ah

0
892

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Iyo Abiy Axmed Oo Dhex-dhexaadin Doonna Kulanka Maanta Ee Muuse Biixi Iyo Farmaajo

 “Waa In Labadda Dhinac Ka Go’antahay Sidii Loo Xoojin Lahaa Wada-xaajoodyadda…”James Swan

 

Jabuuti, 14 June 2020 (Warsugan)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si rasmi ah uga hadlay kulanka la filayo inuu maanta dalkiisa ku yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Geelle oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitter-ka, ayaa sheegay in kulanka uu dhici doono maanta, islamarkaana uu sidoo kale qeyb ka noqon doono ra’iisul wasaare Itoobiya Abiy Ahmed.

“Waxaan dalka Jabuuti ku guddoomin doonaa kulanka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, si aan hore ugu sii wado dadaallada dhex-dhexaadinta labada hoggaamiye. Waxaan sidoo kale ku casuumay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed inuu ka qeyb-galo wada-hadallada,” ayuu yidhi madaxweyne Geelle.

Madaxweyne Geelle ma bixin wax faah-faahin ah oo intaa dheer oo ku saabsan wada-hadallada. Si kastaba, xog aan helnay ayaa sheegeysa in wada-hadallada ay gadaal ka riixayso dowladda Mareykanka, waxaana sidoo kale qeyb ka ah Midowga Yurub.

Waxybaaha la filayo in kulanka ay ka soo baxaan ama heshiis looga gaadho, ayaa waxaa ka mid ah in dowladda federaalka ay dib u fasaxdo qeybo ka mid deeqdii beesha caalamka ay u soo marin jirtay Somaliland, oo muddo xayirneyd.

Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dhowaanahan waxaa u socday wada-hadallo hoose, sida uu kulankii Golaha Ammaanka ka sheegay ergeyga QM James Swan oo xaqiijiyey in labada dhinac ay leeyihiin xidhiidh joogto ah.

“Marka ay noqoto xidhiidh Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa na dhiiri-gelinaya in wada-hadallo heer sare ay socdaan, islamarkaana labada dhinac ay muujiyeen inay ka go’an tahay inay joogteeyaan xidhiidhka ayna sii raadiyaan wada-xaajoodyo dheeraad ah,” ayuu yidhi James Swan.

Muuse Biixi Iyo Farmaajo: Kulankii Wadahadalka Ee Maanta Iyo Labadda Xisbi Mucaarid Oo Isu-maandhaafay

Faysal Cali Waraabe: “In La Horfadhiisto Dawladda Soomaaliya Waa Guul-darro Ku Timi Somaliland

 

Hargeysa, 14 June 2020 (Warsugan)-Labadda xisbi mucaarid ee Somaliland, WADDANI iyo UCID, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey Kulan maanta uga furi doonna dalka Jabuuti Xukuumadda Somaliland iyo Maamulka taagta-daran ee Soomaaliya. Islamarkaanna labadda Xisbi ayaa mid baa mowqifkiisa wadahadaladda ku sharraxay.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa goor dhawayd xafiiskiisa kula shiray madaxda labada xisbi qaran ee Somaliland, waxaanu kala xaajooday oo soo hor dhigay qorshaha wadahadallada labada dhinac uga furmi doona maalinta berrito ah dalka Djibouti.

Labadda Xisbi mucaarid ayaa sheegay in kulan ku dhexmaray qasriga Madaxtooyadda Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, islamarkaana lagu falan-qeeyey qaabkii loo waaji lahaa kulanka dhexmari doonna Madaxweynaha taagta-daran ee Soomaaliya.

Xisbiga Waddani ayaa soo dhaweeyay go’aanka madaxweynaha ee ah ka qayb galka shirkaas, waxaanu xisbigu sheegay in ay Madaxweynaha u daba fadhiyaan hawlaha wadahadallada. Balse wixii dhaliil iyo taageero ah ee ay ka odhan doonaan oo kaliya wixii ka soo baxa shirkaas ee ay arkaan.

“Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya maanta may bilaabin. Laba kun iyo koobiyo tobankii xukuumaddii aan ka midka ahaa ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa bilowday. Waxaana isku waafaqay goleyaasha qaranka Somaliland, hadday noqdaan kuwa xeer dejinta iyo fulinta, golaha dhaqanka xisbiyada qaranku horena waa uga qayb qaateen waana Idhoosgareeyeen arintaa iyada ah way waafaqeen. Waxaanu u aragnaa wax kasta oo danta qaranka Somaliland lagu raadinayo iyo gole kasta oo danta qarana Somaliland laga raadinayo in laga qayb galo. Maandhaytkaa waxaa iska leh xukuumada marba markaa joogta, iyadaana laga rabaa hawshaa iyada ah cidii ay kala maarmi weydo ay u yeedhato oo ay waydiiso wixii talo ah ee ay waydiinayso iyada oo ilaalinaysa xeerarka iyo qawaaniinta dalka u yaal” ayuu Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo BBC-da la hadlay.

Cabdirisaaq Khaliif waxa kale oo uu sheegay in aanu xisbigiisa ka codsanin in xubno ka tirsani raacaan iyaguna aanay ka codsanin. Waxase uu xaqiijiyey in maanta ay bixi doonaan weftiga madaxweynaha Somaliland oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Wasiirka Arimaha Dibadda, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Wasiirka Ganacsiga iyo Edna Aadan Ismaaciil oo wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan xukuumadda.

Dhanka kale, guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu ku dooday in aan arrimaha culayskaa leh aanu Madaxweynuhu keligii go’aankooda lahayn oo ay lagama maarmaan tahay in ay ka qayb galaan.

“Anniga jeermaan ahaan mawqifkaygu waxa weeyi horena waan uga soo horjeeday horena waan u sheegay in aan kulankaasi aanu maanta meesha qaban, wakhtigeediina aanu ahayn. Dawladda Soomaaliya ee maanta lala kulmayaana aanay ahayn dawlad mutaysatay in lala kulmo ayaan u arkaa, markaa guud ahaan kama soo horjeedno in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan hase-ahaatee dawladda hadda joogta ood ogtahay dhibaatooyinka ay la raadiyeen Somaliland iyo heshiisyadii ay ka baxeen, iyo kii u dambeeyey ee ninkaa arimaha dibada u qaabilsan wixii uu ku hadlayey in la horfadhiistaa waxaan u aragnaa in ay tahay guul-darro ku timi Somaliland.” Ayuu yidhi Faysal Cali waraabi oo muujinayey sida ay uga soo horjeedaan in Somaliland shirkaa ka qayb gasho.

Guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada Soomaaliya ayaa hore u sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadallada laakiin ay marka hore dowladda federaalka ka doonayaan inay meelmariso heshiisyadii hore loogu gaadhay kulamadii ay labada dhinac yeesheen. Labada dhinac ayaa muddooyinkii u dambeeyey midba kan kale ku eedaynayey masuuliyadda caqabadaha hortaagan sidii miiska wadahalka loogu noqon lahaa.

 

Xil. Mustafe Qodax: “Looma Baahna In Somaliland Dhabar-jabiso Mucaaridka Soomaaliya Iyo Ummadda Soomaaliyeed Ee Isbedel Doonka Ah…..”

 

Hargeysa, 14 June 2020 (Warsugan)-Xildhibaan Mustafe Qodax oo ka tirsan Aqalka Sarre  ee dawladda Soomaaliya, ayaa sheegay in aanay Somaliland dhabar-jabin mucaaridka Soomaaliya iyo ummadda Soomaaliyeed ee isbadal doonka. Islamarkaanna waxaan il-duuf siyaasadeed u arka waddahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya.

Xildhibaanka oo arrimaha qoraal kaga hadlaya ayaa u dhigna siddan:-

“Madaxweyne farmaajo wuxu ku jiraa dabin siyaasadeed, waxayse u egtahay inuu si taxadar leh uga fikiray sidu uga bixilahaa.

Looma baahna inay somaliland dhabar jabiso mucaaradka somaliya iyo umada somaliyeed ee isbadal doonka ah ee La daalaa dhacaysa beenta iyo borobagaandada xukuumada N&N ee aan social media ha dhaafsanayn, waxan u arkaa ilduuf siyaasadeed inay somaliland ka ogolaato Farmaajo wadahadal xilli ay xukuumada somaliya u hadhay muddo lix bilood oo kaliya.

Ka sakow muddo xileedka dawlada somaliya ee gebo-gabada ku dhaw; Farmaajo waxa uu badhtanka ugu jiraa mawjado khilaaf siyaasadeed oo ay adagtahay inuu ka sabato baxo, markaad eegto duruufaha ku xeeran iyo fursadaha uu haysto.

Wadahadal kasta oo somaliya iyo somaliland dhexmara waxa sal u ah inuu haysto kalsoonida xisbiyada ka jira labada dhinac, dhinaca somaliya; maadaama ay dawladu tahay dawlad federaal ah waxa muhiim ah inay ugu yaraan maamul goboleedadu kalsooni ku qabaan dawlada federaalka waa haddaanayba si toosa ugu lug lahayn wadahadalada, taasoo aynu maanta ognahay halka ay kala marayaan Farmaajo iyo inta badan madaxda dawlad goboleedyadu.

Dhinaca somaliland waa muhiim in xisbiyada dalka ka jira laga talo galiyo wadahadal kasta ama ugu yaraan loo bandhigo waxa socda si ay aragti iyo talo ugu yeeshaan.

Markaad dib uyara raacdo afcaasha xukuumada Farmaajo, malaha taariikh wanaagsan oo ah dhinaca walaalaynta iyo isu soo dhaweynta dadka somaliyeed, waa xukuumada aalaaba ka shaqaysa fadqalalo iyo cunfi xaasidnimo ka muuqato oo ay ugu danbaysay waraysigii wasiirka arimaha dibada ee dawlada federaalku ku weeraray PD world oo mashaariic horumarineed kawada somaliland waraysigaa wasiirka oon marnaba u adeegayn isu soo dhawaanshaha ummada.

Markaan dhan walba iska taagay aniga aragtidayda iima muuqato wax haba yaraatee fursad ah oo wakhti xaadirkan wada hadal ugu jirta somaliland iyo guud ahaan ummada soomliyeed oo u baahan in farmaajo laga hor dhaqaqjiyo.

Taa bedelkeeda, waxay fursad u tahay Farmaajo oo doonaya inuu indha ummada somaliyeed iyo kuwa beesha caalamka ee sida dhaw ula socda waxa ka dhacaya somaliya uu ka jeediyo kuna mashquuliyo mawduuc kale.

Waxan hubaa in xalay oo kaliya uu yaraaday culayskii social media ha ka haystay N&N oo social media u yahay garoobka diyaaradaheedu ka kacaan, kadib markii mar qudha lasoo tuuray wadahadalka tasoo noqotay mowduuc lagaga nastay mashaqadii siyaasadeed ee ay ku jireen N$N waana sida ay doonayeen.”Ayuu ku yidhi qoraalkiisa xildhibaan Mustafe Qodax

 

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dhimashada Geela Gobolka Sool

Hargeysa, 14 June 2020 (Warsugan)-Masuuliyiin ka socda Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland oo mudooyinkii la soo dhaafay baadhitaan ku wadey  xoolaha Gobolka Sool ayaa waxay sheegeen in si qaldan warbaahinta qaarkood baahiyeen xanuun 3000 oo neef ku diley G. Sool, waxayse qireen in ay jiraan xanuun xoolaha haya oo ay daweeyeen intii ay safarka ku jireen.

Isu-duwaha Xanaanada Xoolaha Gobolka Sool Cabdirashiid Axmed Bootaan ayaa ka warbixiyey sababta kaliftey safarkan ay ku marayaan degaanada xoola raacatadu u badan yihiin oo ku sheegay in ay tahay xaqiiqo raadin xanuuno la sheegay in uu geela laynayo taas oo uu sheegay in la waayey oo aanay jirin isagoo ta labaadna ku sheegay in ay tahay daweyneynta  xoolaha buka.

Axmed Haybe Warsame agaasimaha waaxda caafimaadka Xoolaha ee Wasaarada Xannaanada Xoolaha oo kulan kan oo ka dhacay xarunta Gobolka Sool ayaa waxa uu sheegay in safarkooda uu ka soo bilaabmay Caynabo, ayna soo mareen dhamaan degaanada ay cabashooyinku uga yimaadeen, waxana uu xusay in weli ay jiraan dhul u dhiman ha u badnaado  Hawdka.

“Xoolaha aan la kulanay dhawr arimood ayaa sabab u ah dhimashadooda,  kan dhalada ku jiraa waa Sangaale waxana uu baabiiya dhulka neefmareenka taas oo sababta in neefku waasho, tan labaad dhir badan oo barwaaqadu soo saartay oo xoolaha dhib ku haya marka ay cunaan iyo dadka oo xoolaha ku shubaya waxyaabo badan sida Badhi, Xabaasuud, Shanfax iyo waxyaabo badan oo waxyeelo u geysanaya” ayuu Dr. Axmed.

Kulankan ayaa waxaa ugu danbayn ka hadlay gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe ayaa waxaa uu tiimkan ka codsaday in si aad ah ugu kuurgalaan dhibaatooyinka xoolaha nool haysta ee ku soo noqnoqonaya.

Dhibaatada mudooyinkii la soo dhaafay soo wajahay geela ayaa dadku waxay siyaabo kala duwan u macneeyeen iyadoo ay kooxdan dhakhaatiirta ah sheegeen in haatan xoolihii ay soo mareen ee ay daweeyeen aan laga soo sheegin wax dhib ah oo dambe kuwii bukayna ay ladnaadeen, waxaanay ka codsadeen dadka xoolaleyda ah in marka ay dareemaan dhibaato ku timi xoolahooda ay la soo xidhiidhaan xafiisyada xannaada xoolaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here