Wararka Warsugan ee Cadadkii 37AAD: Guddoomiyaha Gobolka Sool Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Saddex Carruur Ah Oo Magaalada Laascaanood Lagu Qabtay

0
397

Guddoomiyaha Gobolka Sool Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Saddex Carruur Ah Oo Magaalada Laascaanood Lagu Qabtay

Badhasaabka Oo Masuuliyad Darro Ku Eedeeyay Waalidka Dhalay Saddex Carruur ah oo da’doodu tahay 6 jir, 4 Jir iyo 3 jir La Qabtay Iyadoon Ehel La Socon

Laascaanood(Warsugan) Badhasaabka gobolka Sool, Mudane Yaasiin Maxamed Shide, ayaa sharaxaad ka bixiyay caruur khamiistii lagu qabtay magaalada Laascaanood, kuwaasi oo ay ilaa hadda gacanta ku hayaan. Waxa uu sidoo kale sheegay inay gacanta ku hayaan waalidka ubadkaasi dhalay. Caruurta oo ah reer Hargeysa ayuu Aabahood ku sugan yahay Puntland.
Guddoomiye Yaasiin Maxamed Shide, waxa uu meesha ka saaray warar saxaafaddu tabisay oo ku saabsan in caruurtaasi la soo xaday waxaanu sheegay in ubadkaasi ay dhaleen waalid qayrul masuul ah, kuwaasi oo dayacay ubadkooda, balse aanay ahayn ubad la soo xaday. Ubadka ayaa la ogaaday iyagoo la sii wado magaalada Laascaanood, kadib markii laga shakiyay, islamarkaana dadka la socday midna noqon waayay ehelkooda.

“Horta waata la qoray xaruur toogo ah oo la soo xaday, balse annagu caruur tuugo ah maanu qabane, saddex caruur ah oo bas saaran oo nin wado ayaa halkan yimid, markaa wuxuu noo sheegay inuu ku wado xagga Puntland, Gabadhina u soo dhiibtay. Markaa dadkii, caruurtii, ninkii wixii oo dhan waanu isku haynaa,” ayuu yidhi guddoomiyaha Sool, oo intaasi raaciyay in Ubadka ay dhaleen Aabbe Puntland jooga iyo hooyo Somaliland joogta oo masuuliyad darro sameeyay, maadaama ay gaadhi saareen ubad da’doodu yar tahay iyadoon cid ehel ahi la socon.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu sharaxay sababta ubadkan oo aan waalid la socon masaafo dheer kaligood gaadhi loo saaray, wuxuuna sheegay in ubadka ay haysatay gabadh Eddo u ah islamarkaana Aabbaha dhalay ku amray inuu gaadhi u soo saaro “ Gabadh ay walaalo yihiin ninka caruurta dhalay ayaa haysatay caruurta, markaa caruurtayda gaadhi ii soo saar buu yidhi , dabeedna iyaduna baskaas ayay saartay,” ayuu yidhi Mudane Yaasiin Maxamed Shide.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda ubadka ay gacanta ku hayaan “Ninkii caruurta dhalay waa noo yimid, gabadhiina way noo timid,markaa labadoodu waa dad qayrul masuul ah oo caruurtan laguma aamini karo,waliba gabadha ayaa ka masuul san ninka caruurta dhalay oo waa ninkaa yidhi gaadhiga ii soo saara caruurtaas yaryar ee biyaha ah,” ayuu yidhi guddoomiyuhu, wuxuuna intaasi raaciyay “ markaa caruurta Ayeeyadood oo hooyadood dhashay ayaa imanaysa, markaa haddii Ayaydood tidhaa anigaa haynaya, waxaanu doonaynaa inaanu ku wareejinno, warqadna ka qorno, ninka dhalayna warqad ak qorno inaanu ugu tagayn.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay aqoonsadeen waalidka dhalay ubadka oo reer Somaliland ah, balse ninka caruurta dhalay uu walaalo la yahay caruur reer Puntland ah, sidaasina uu ku joogo Puntland, waxaanu yidhi isagoo ubadka da’dooda ka hadlaya “ Ubadka da’doodu waa lix jir, afar jir iyo saddex jir,” ayuu yidhi guddoomiyaha Sool