Wararka Warsugan ee Cadadkii 37aad Sheekh Aadan Siiro Oo Xukuumadda Ku Bogaadiyey Go’aamada Lagu Saarayo Ajaanibka, Fulinta Qisaasta Iyo Shacabka Oo Uu Ku Dhiiri Galiyey Buuxinta Shaqooyinkii Ajaanibku Baneeyey

0
402

Sheekh Aadan Siiro Oo Xukuumadda Ku Bogaadiyey Go’aamada Lagu Saarayo Ajaanibka, Fulinta Qisaasta Iyo Shacabka Oo Uu Ku Dhiiri Galiyey Buuxinta Shaqooyinkii Ajaanibku Baneeyey

“Anigu ma idiin bilaabaa baalashlaha koobaad, baalashle wadaad ha la ii bixiyee?

Hargeysa(Warsugan) Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray(Aadan Siirro), ayaa khudbadiisii jimcaha ee shalay wuxuu ku soo dhaweeyay dilkii todobaadadii la soo dhaafay lagu fuliyay dad hore dilal u gaystay iyo sidoo kale dadka ajaanibka ah ee dalka laga saarayo. Wuxuu sheegu bulshada ku dhiiri galiyay inay buuxiyaan shaqooyinka dadkaasi ka tageen dhalinyarada wadanka u dhashay qaban karaan.

Ugu horayn sheekhu wuxuu sheegay inay arrin muhiim ah tahay fulinta qisaastu waxaanu sharaxay culaysta dambiga ah in qofku qof mulims “Dilka badan ee jira, Illaahay wuxuu yidhi qofka qof muumin ah ku talo gal u dila ee ama dhul ku dila ama damac kale ku dila abaalkiisu waa jahannabada, kow wuxuu galayaa naarta Jahannaba, waanu ku waarayaa ayaa Illaahay yidhi, waxaana u cadhooday Illaahay, naxariistiisii ayaanu ka fogeeyay, bal inta gooddi ama hanjabaad aayaddaas ku jirta eeg, waxaanu Illaahay u diyaariyay cadaab weyn. Waxa weeye waa Jahannaba, wuu ku waarayaa, Illaahay baa u cadhooday, naxariistiisii buu ka fogeeyay, wuxuu u diyaariyay cadaab weyn, Subaxaanallah,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Sheekhu wuxuu sheegay inay habboon tahay in la xaqiijiyo qofka qof dilay balse aanay ahayn in muddo dheer dacwadu jiitanto “Asxaabtu siday ugu degdegi jireen qofku haddii uu qof dilo ama looga shakiyo, raaciya ayay ahayd. Waa in la xaqiijiyo arrinka marka la fulinayo laakiin, dee ma labaatan sannadood ayaynu baadhaynaa qof qof dilay? Iyadoo intaas oo marag joogaan, markaa waxa weeye nolol baa idiinku sugan qisaasta,” ayuu yidhi Aadan Siiro.
Geesta kale wuxuu Sheekh Aadan Siiro soo dhaweeyay dadka aan Somaliland u dhalan ee maalmihii u dambeeyay waddanka laga saarayay waxaanu yidhi “Waxaan halkan uga mahadnaqayaa wasiirka arrimaha gudaha iyo wasaaradda arrimaha gudaha iyo laanta socdaalka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waad ogtihiin oo imika dhawr boqol oo qof ayaa la mastaafuriyay, magaaladiiba saafi ayay noqotay. Waxa weeye aynu shaqo tagno oo baalashku ceeb maahee, anigu ma idiin bilaabaa baalashlaha koobaad, baalashle wadaad ha la ii bixiyee? Mid yar oo kuwa baabuurta masaxa ah ayaan waraystay oon idhi maxaad maalintii soo saartaa? Wuxuu yidhi labaatan dollar ayaan maalintii sameeyaa Aadanow. Waa maydhista baabuurta oo kaliya ayuu labaatan ka samaynayay dadkeenuna way wada bakhtiyayaan oo way shaqo la’yihiin, waar dalka aynu ka shaqayno oo nimankaasna aynu is dhaafinno,” ayuu yidhi sheekhu.

Ugu dambeyntii Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray, wuxuu xukumadda madaxweyne Siilaanyo ku dhalliilay iibinta hantida umadda, isagoo tilmaamay inuu ku gefay xukumaddii Riyaale oo uu ku ololeeyay “Dhulkan yar yaa bixiyay waan idiin sheegayaaye, xukumaddii aynu la dagaallanay ee Daahir Riyaale Subxaanalah, Masaajidkan Illaahay dambigiisii ha dhaafee waanu ku khaldannay Subxanalah. Dadkii halkan ka dagaalamay ayaanu ahayn, masaajidkan buu ahaa meeshii laga ololeeyay, kuwii aanu islahayn way dhaamayaan waxaanu ka baqaynaa inay dadka Iibiyaan,” ayuu yidhi Sheekhu.