WARARKII UGU DANBEEYEY EE Dilkii Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil oo ay dileen Kooxdii Maleeshiyadii hore u weerartay Ceelgardi + Dhaawaca Askar kale.

0
406

WARARKII UGU DANBEEYEY EE Dilkii Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil oo ay dileen Kooxdii Maleeshiyadii hore u weerartay Ceelgardi + Dhaawaca Askar kale.

Berbera(Warsugannews)-Ciidamada Booliska gobolka Saaxil ayaa maanta duhurkii ku baxay hawlgal weerar ah oo ay ku qaadeen Dabley hore u weerartay deegaanka Ceelgardi, oo ku sugnaa deegaanka Biyooley.

Balse weerarkaas oo uu ku naf waayey Taliyihii qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil Gashaanle C/risaaq Yuusuf Maxamuud Casayr ayaa hada soo gaadhay Cusbitaalka Magaalada BERBERA, iyadoo la sheegayo in dhaawac laba Askari ahi ay al socdaan balse aanu waxba Qabin Badhasaab ku xigeenkii Gobolka Saaxil oo markii hore la sheegay inuu dhaawac yahay.

Wixii warar dheeraada ee ka soo kordha waanu idinla soo socodsiindoonaa ka warsugan ahaan