BREAKING NEWS
Search
telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Warbaahinta Kenya oo soo Bandhigtay Waraaq Xildhibaanno ka Tirsan Xisbiyada UK ay Theresa May Kaga Dalbadeen Aqoonsiga Somaliland

Qaar ka mid ahSaxaafadda Kenya ayaa ku warrantay in uu sii kordhayo culayska Dawladda Ingiriiska lagu saarayo inay dal madax-bannaan u aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland oo ah waddan uu hore u xukumi jiray Ingiriisku.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay Warsidaha Media maxnetwork oo laga leeyahay Kenya isla markaana ah Hay’adda warbaahineed ee leh Telefishanka Kenya 24TV, oo warbixin ka qoray go’aankiiIsniintii Toddobaadkii hore Golaha Deegaanka ee Birminghamu aqoonsadeen JSL dal madax-bannaan.

Shabakadda Media Maxnetwork,waxay caddeysayin xildhibaanno ka soo jeeda xisbiyadawaaweyn Ingiriiska oo kala ahaa XildhibaanIan Ward oo ka tirsan Xisbiga Labour-ka,Robert Aldenoo ka mid ah xisbiga Conservativeka iyo XildhibaanJohn Hunt, oo ka socday xisbiga Liberal Democrat Groupay warqad wadajir ah u qoreenRa’iisul-wasaraha UKMrs. Theresa May iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mr. Jeremy Hunt oo ay ku booriyeen inayJSL u aqoonsadaan waddan madax-bannaan.

 

Mareegta Media maxnetwork waxay intaas ku dartay in Somalilandoo hore u ahaan jirtay mustacmarad Ingiriisku xukumi jiray ay xoriyaddeedii kala soo noqotay Soomaaliya 1991kii, iyadoo 28kii sannadood ee la soo dhaafay ay maamulayeen dawlado la soo doortay oo raadinaya ictiraaf caalamiya.

Xildhibaan IanWard oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha UK, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku sifeeyey xiddigta Nabadgelyadda Geeska Afrika, waxaanu ku dooday inay si wadajir ah Ra’iisul-wasaare May ugu dalbadeen inay JSL u ictiraafto qaran madax-bannaan.

Xildhibaan Ward wuxuu xusay inay Gole deegaan ahaan u middeysan yihiin Somaliland oo muddo 28 Sannadood ah dal gaar ah ahayd, waxaanu carabaabay inay tahay xiligii beesha caalamku taageeri laheyd JSL.

John Hurt ooka tirsanLiberal Democrat Group ee golaha deegaanka Birmingham ayaa qiray Jamhuuriyadda Somaliland ay jid dheer u soo martay inay qoto xuddunta Nabadgelyada Geeska Afrika.

Sidoo kale,waxa Warsiduhu sheegay in Wakiilka Somaliland ee UK Ayaan Maxamuud Cashuur ay ammaantay isla markaana si shucuur leh ugu mahadcelisay Golaha Deegaanka Birmingham.

Geeska kalena,Shabakadda Media maxnetwork, wuxuu sheegay in Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi uu si weyn ugu mahadceliyey Golaha deegaanka magaalada Birmingham, waxaanu madaxweynuhu ku sifeeyey tallaabada ay qaadeen mid geesinimo ah oo dhiirigelinaysa Qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland. Waxaanu Madaxweynuhu intaas ku daray in dalkiisu uu istaahilo in la ictiraafo.

 

Ugu dambeyn Magaalada Birmingham ayaa ku soo biirtay magaalooyinka Cardiff, Tower Hamlets iyo SheffieldUnited oo hore ugu dhawaaqay aqoonsiga qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax

136 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins