Warbixin: Lix Waxyaabood Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Garoomada Cusub Ee Barcelona, Real Madrid & Atletico Madrid.

0
671

Kubada cagta waa ay isbedeleysaa, seddexda kooxood ee ugu waa weyn La Liga ayaa iyagan diidan in laga tago, iyadoo Real Madrid, Atletico Madrid iyo Barcelona ay dhamaantood garoomo cusub ama dayactir ku sameynayaan garoomadooda taasoo lagu sii hormarinayo khibrada daawasho ee taageerayaasha.

Hadaba waxaan eegi doonaan xaqiiqooyin aad u baahan tahay inaad ka ogaato dhismaha garoomadaan cusub.

Taariikhaha la dhameystirayo dhismayaasha.

Garoonka ugu horeeya ee seddexda garoonka ee albaabka loo furi doono waa kan Atletico Madrid iyadoo dhismihiisa uu durbaba marayo heer gabagabo ah, waxaana la filayaa inuu diyaar noqdo xilli ciyaareedka 2017-18.

Garoonka Barcelona ee Camp Nou oo dayactir heer sarre ah lagu sameynayo waxaa la filayaa in la dhameystiri doono 2020-21, iyadoo ay macquul tahay in Barcelona ay ku sii ciyaari doonto garoonka inta uu dayactirka socdo.

Dhanka Real Madrid, madaxweyne Florentino Perez ayaa u qabtay in howsha dayactirka Estadio Santiago Bernabeu la bilaabo bisha Juun ee sannadka soo socota. Sida Camp Nou diyara ma noqon doono ilaa iyo 2020.

Baaxada Garoomada

Garoonka Camp Nou ayaa sii ahaan doona kan taageerayaasha ugu badan qaada, haatan garoonka waxaa fariisan karta 98,772 taargeerayaal marka dayactirka la dhameystiro waxa uu garoonka qaadi doonaa 105 kun taageerayaal ah. Garoonka cusub ee Atletico Madrid waxa uu qaadi doonaa 68 kun taageerayaal halka midkooda haatan ee Vicente Calderon uu qaado 55 kun taageerayaal ah. Garoonka Real Madrid inkastoo dayactir xoogan lagu sameynayo hadana waxba iskama bedeli doono taageerayaasha uu qaado oo waxaa weli soo xaadiri karta 81,044 taageerayaal.

Dhibaatada ay kala kulmayaan kooxahaan dowlada hoose.

Dhamaan dhismaha seddexda garoon waxaa dib u dhigay dowlada hoose kuwaasoo aan weli kala heshiinin kooxaha fasaxa lagu dayactiri karo garoomada Camp Nou iyo Bernabeu. Barcelona weli ma heysato fasax ay ku dayactirto garoonkeeda, halka Real Madrid ay sugeyso racfaan ay ka qaadatay diidmada dowlada hoose ee Madrid. Atletico Madrid iyadana waxaa la filayay inay garoonkeeda cusub u guurto 2010-11 taasoo ku tusineysa sida ay adag tahay in ogolaansho hore laga helo.

Lacagta ku baxeysa

Barcelona waxa ay dayactirka garoonka Camp Nou ku qarashgareyn doontaa 600 milyan euro, halka Real Madrid la filayo inay qarashgareyn doonto 400 milyan euro, Atletico iyadana waxaa ka baxday ku dhawaad 220 milyan euro.

Xuquuda magaca garoomada.

Atletico Madrid durbaba waa ay sii shaacisay inay xuquuda magaca garoonkeeda cusub ku tartansiin doonto shirkado islamarkaana ay qaadan doonta mida ugu lacagta badan, halka Barcelona iyo Real Madrid ay ka hadleen suurtogalnimada inay magaca ka bedelaan garoomadooda laakiin weli go’aan rasmi ah ma aysan gaarin.